Ibrahimovic Oo Uu Hunguri Kaga Jiro Kabtanimada Inter Iyo Crespo Oo Go’aan Adag Qaatay


Xidiga xulka Sweden iyo kooxda Inter Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa isha ku haya, hungurina uu ka galay kabtanimada kooxda Inter Milan oo uu xiligan gacanta midig ku xidhan yahay xidiga reer Argentina ee Javier Zanetti.

Siday ay qoreen Wargeysyada Ciyaaraha ee ka soo baxa Dalka Talyaaniga ayaa intaa ku daray in xiddigani uu iska ishaaqsaday in Mourinho uu ka casuumo kabtanimada Kooxda Inter Milan, waxaanu xilligan isku deyayaa sidii uu noqon lahaa hogaamiyaha kooxda Inter Milan.

Isaga oo arrintaa sharax ka kooban ka bixinayana waxa uu yidhi Waxa la igu sharfay in aan noqdo kabtanka xulka Sweden, iminkana waxa aan u soo diyaargaroobay sidii aan kabtanimada Inter Milan gacanta midig ugu xidhan lahaa ayuu yidhi Ibrahimovic.

Dhanka kale Hernan Crespo ayaa mar kale dhawaaqii Inter nacaybka ahaa ay afkiisa ka soo yeedhay waxaanu tilmaamay in horaanta bisha July uu ka xamaantiisa ka uruursan doono kooxdaasi, waxaanu tilmaamay in maanta ay da’diisu ay ku tagaan tahay 30-jir, isla markaana uu wax badan kala garanaayo isaga oo arrintaa sharax ka bixinayana waxa uu yidhi “Iminka da’daydu waxa ay ku taagan tahay 30-sano jir, waxa aan kala garanayaa wax aanan yaraantaydii aanan aqoonin, markaa maanta waxa aan doonayaa in aan saxaafada u sheego in aan go’aansaday horaanta bisha July aan iskaga tago Inter Milan, tan ayaa ka danbaysay markii aan boos ka waayay kooxda Inter Milan ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay Hernan Crespo.




yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta