Xulka Qaranka oo Tababar adag ku Qaadanaya Garoonka Iskoola Boliisiyo ee Magaalada Muqdisho.


Ciyaartoyda kubadda cagta ee xulka qaranka Somalia ayaa u furmay tababar ay ugu diyaar garoobayaan tartamo dibadda ah oo ay ka qayb galayaan bilaha October iyo November, kuwaas oo kamid yihiin ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Africa iyo kuwa Jaamacadda Carabta.

Xulka qaranka soomaaliyeed oo aan hasan waxa garoon ah ay xili gaan ay tababarkooda kuqaataan iyyadoo garoonkii wanaa ee muqdisho Studium ay sadhig unoqotay ciidama Itoobiya midka konis Studium waxaa ka socda dayac tiri kaas oo lagu dayac tirayo garoonka gudahiisa iyo dhismaha garoonka oo idil .

Balse Ciyaartoyda ayaa imminka tababarkooda ku qaata garoonka Iskuul Booliisiyo, kaas oo ay u fasaxeen ciidanka booliiska, kaddib markii ammaan darro darteed layli ugu qaadan waayeen garoomadii kale ee ay lahaayeen naadiyadii kale ee dalka ka jiray.

Cabdi Cali Faarax (Macallin Geelle), waa tababaraha Xulka Qaranka Somalia. Wuxuu ka warramay caqabadaha heysta kooxdiisa.Caqabado waa jiraan, marba haddii Xamar tababar lagu sameenayo, laakiin Xiriirka (Kubadda Cagta) waa dadaaleen," ayuu yiri Macallin Geelle, isagoo intaas raaciyey inuu jeclaan lahaa in ciyaartoydu ay tababar ku qaataan garoonka weyn ee Muqdisho Studium.

Iyadoo ay dhibaatooyinkaas oo dhan jiraan, ayaa haddana waxaa dhacda in ciyaartoydu ay gaari kari waayaan goobaha tababarka, gaar ahaan markii ay xirmaan waddooyinka magaalada.

Macallimiinta iyo ciyaartoyda ayaa jeclaan lahaa inay helaan tixgalin gaar ah, haddii ay heli karaan

Intaa kadib ayaa waxaa warasi layeeshay Captanka xulka qaranka 17 jirada dalka soomaaliya isagoo aan waydiiyay waxa yaabaha ay kal kulmaan tababarkooda

Maxamed Nuur Shaarkeey . Wuxuu yiri: Waddooyinka ayaa marmar nagu xirma, laakiin sidaas oo ay tahay waan isa soo xilqaannaa.

" Sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaa aad u sarreeya niyadda ciyaartoyda Soomaaliyeed, sida uu sheegayo Shaarkeey.waxaa kaloo intaa kudara tababarkeena aad ayaa uwanaajinaa macalimiinteenana waaxilqaanaa inadoo taa jirto balse waxaan rajay naynaa inaan guul kazoo hoyno ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday










yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta


designed by Mdhinbil www.togga.org