Ciyaaraha |
Shir sanadeedkii cayaaraha heerka koowaad ee Swedan ayaa furmay maanta oo ay taariiqdu tahay 3 da may 2008,.![]() Shir sanadeedkii cayaaraha heerka koowaad ee Swedan ayaa furmay maanta oo ay taariiqdu tahay 3 da may 2008, Shirka ayaa ka dhacay xaafada sida weyn ay u degan yihiin soomaalida sweden ee Rinkeby goobta lagu magacaabo Folketshus i Rinkeby ( Guriga Umada). Kulankaan oo ay goob joog kawada ahaayeen dhamaan kooxaha kasoo qeyb gala Cayaaraha heerka koowaad ee Swedan oo isugu jiray kooxaha cayaara kubadacagta iyo kuwa koleyga, sidoo kale marti sharaf qiima weyn ku leh isbortiga Soomaaliyeed hadiii ay noqon lahayd cayaartooydii hore, masuuliyiin hore iyo kuwa hada maamul ka haya ururada ugu weyn isbortiga ee umadda Soomaaliyeed.ugu horeyntii waxaa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah intaa ka dibna waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha cayaaraha heerka koowaad ee Swedan mudane M Hamdi shek Ahmed, mudane Hamdi waxa ugu horeyntii uu mahadnaq iyo soo dhoweyn u jeediyey dhamaan kasoo qeyb galayaashii shir weynaha ururka, kadibna waxa uu xusay in sanadkaan aay cayaaraha si wadajir ah uwada qabanaayaan cayaraha xagaaga ee heerka 1aad ururada SKIF & SSUF, waxuuna qeybiyey ajendahii shirka, isagoo ka codsaday in qofkii haya fikarado ay ku darikaraan ajendaha, gabagabadii waa la ansixiyey ajendaha shirka oo noqday sidatan.). 1-Soo dhoweyn
iyo quraac).
Mudane Abdulahi Ahmed tarabi oo ah xoghayaha guddiga olombikada
soomaaliyeed ayaa ka war bixiyey ujeedada iyo wax qabadka olombikada
Soomaaliyeed. Mudane Tarabi waxa uu ka hadlay xiriirka olombikada la leeyahay
ururada soomaaliyeed ee ka dhisan gudaha wadanka iyo dibeddiisaba, waxa uu
hambalyo usoo jeediyey ururka somali diaspora oo bishii mars 2008 u kaxeeyey
wadanka jabuuti 45 dhalinyaro oo isugu jira kubada cagta iyo koleyga
dhalinyaradaas oo kawada tagay wadamada yurub.waxa uu ugu hambalyeeyey
waxqabadkoodii isla markaana ka codsaday in lagu daro cayaaro kale isagoo
tusaale usoo qaatay cayaaraha fudud.mudane Tarabi waxa uu sheegay in wadamo
badan ay ka faaideysteen cayaartooyda u dhashay wadamadooda kuna nool qurbaha,
kama dambeystii waxa uu ka hadlay wada shaqeynta olombikada isagoo sheegay in
ujeedada olombikada ay tahay inay la shaqeeyaan dhamaan ururada iyo shaqsiyaadka
u diyaarka ah horumarinta isbortiga soomaaliyeed.).
warbixin taariiqda cayaaraha xagaaga.Gudoomiyaha ururka cayaaraha xagaaga heerka koowaad mudane M Hamdi shek Ahmed ayaa ka warbixiyey taariikhda cayaaraha heerka koowaad oo sanadkaan 2008 da oo toban (10 )jirsaday, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay isla markaana ku xusay goobta shirka AAbihii Isboortiska Soomaaliyeed Nuur xuseen Cabdi (Nuur jeenyo).). OO wanaagii uu sameeyay darteed loogu magacdaray Koobka 10 guurada Cayaaraha Xagaaga Heerka 1aad ee sanadkan ( Basket iyo Fotbalba) Intaa ka dib waxa uu ka hadlay taariiqda cayaraha xagaaga oo uu ka hadlay waqtigii uu bilaawday iyo siduu ku bilaawday dhaqdhaqaaqa isbortiga Swedan, waxa uu soo bandhigay sawiro muujinayey lixdii kooxood ee lagu bilaabay tartanka kuwaas oo kala ahaa sadex kooxood oo dibedda ah iyo sadex kooxood oo gudaha Sweden ah, waxayna kala ahaayeen kooxaha Benadir IF, Gothenburg iyo al barakaat oo kawada dhisnaa sweden iyo wadamada Canada, Finland iyo England oo iyagana kawada dhisnaa dibedda sweden, waxaa halkaa lagu soo bandhigay oo kale sida ay horyalada u kala qaateen iyo garoonkii lagu aasaasay sida uu u ekaa 1999 iyo maanta oo ah 2008 sida uu e g yahay
Kubada Koleyga
Waxaa kaloo halkaasi khudbad qiimo iyo qaayo leh ka soo jeediyey mudane Ahmed
Xasan oo ka socda ururka SSUF,wuxuuna dadweynihii iyo kooxihii halkaasi isugu
yimid u soo bandhigey waxqabadka ururka SSUF inta uu dhisnaa iyo howlaha uu
ururku doonayo in uu wax ka qabto mustaqbalka. Mudane Ahmed Xasan wuxuu kaloo ku
dheeraaday qaabka ay labada urur uga wadasheynayaan cayaaraha heerka koowaad ee
Sweden iyo qaabkii ay labada urur isku kaashan lahaayeen.wuxuu kaloo halkaasi
kula dardaarmay kooxaha cayaaraha ka soo qeybgalaya sidii ay nabadgelyada u
ilaalin lahaayeen looguna sameen lahaa dhalinyarada barnaamijyo ku saabsan
diinta,dhaqanka iwm
warbixin kooxaha ka qeyb gala tartanka:waxaa la gaaray waqtigii ay kooxaha ka warbixin lahaayeen isbortiga wadamada ay ka yimaadeen iyo kooxahooda, mid mid ayey uga warbixeen kooxahooda dhamaan 12 ka kooxood ee joogtay shirweynaha, waxaa kaloo joogay shir weynaha laba masuul oo ka kala socday wadamada Germany iyo Poland, labadaas masuul oo kala ahaa Jeyte iyo Gabayre ayaa ka war bixiyey soomalida degan labadaa wadan ee yurub iyo horumarkadhanka isbortiga waxa ay kusoo gabagabeeyeen misna ku casumeen inay kala soo qeyb galaan tartamo ka dhaca wadamadaas oo ay ugu magac dareen todobaadka Soomaalida. Mudane jeyte oo ahaa cayaartooy hore u cayari jiray nadiga Madbacada (MBC) ayaa aad ugu farxay isla markaana uga mahadnaqay guddiga cayaaraha waqtigooda qaaliga ah oo ay u hureen inay bulshada soomaaliyeed meel isugu keenaan.Inagoo halkan ku soo koobi karin dhamaan dadkii meesha ka hadlay ayaa waxaan oran karnaa waxa ay kala ahaayeen xaji farax, Khaliif Cali Qoslaaye, Bashiir Jeenyo, Hassan Hagi (Hassan Geele).......
Max,ed Muqtaar Ibraahim Galbeyte back |
User LoginWararka![]() read more ![]() read more Ogeysiis Ururka Qabanqaabada Cayaaraha Heerka 1aad ee Swedan shir sanadeedkii 2008 read more XayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |