Hay'adda GCAP Soomaaliya oo koob u dhigtay tartan ciyaareed lagu maamuusayo maalinta saboolnimada adduunka


Garoonka K/Koleyga Ex-Lujino waxa ka furmay tartan wada kulansaday furitaanka horyaalka 25-aad ee ciyaaraha K/Koleyga iyo munaasabadda lagu maamuusayo maalinta saboolnimada adduunka, iyadoo Hay'adda GCAP Soomaaliya ay iyadu dhigtay koobka xambaarsan labadaasi munaasabadood ee ciyaaraha K/Koleyga.


Furitaanka tartankaasi waxaa ka soo qeyb galay madax iyo mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga, Isu duwaha Hay'adda GCAP Soomaaliya isla markaana ah madaxa barnaamijyada Hay'adda SOCDA Dr. C/qaadir Khaliif Yuusuf, Xuseen Cabdi Calasow oo ka tirsan madaxda sare ee shirkadda Warbaahinta Somaliweyn iyo ka soo qeyb galayal fara badan.


Guddoomiyaha Xiriirka K/Koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa ugu horeyntii halkaasi ka hadlay, isagoona sheegay in tartanka ciyaaraha K/Koleyga halkaasi ka furmaya uu xambaarsan yahay laba munaasabadood sida furitaanka horyaalka 25-aad iyo munaasabadda maalinta saboolnimada, isagoo uga mahad celiyay Hay'adda GCAP Soomaaliya oo gacan ku siisay taabagelinta tartankaasi.


Xuseen Cabdi Calasow oo ka tirsan madaxda sare ee Shirkadda Warbaahinta Somaliweyn oo Md. Wiish uu ku soo wareejiyay Maykarafoonka isla markaana sheegay in Md. Calasow uu ka mid yahay saaxibadooda dhow, ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in Warbaahinta iyo Isboortiga ay yihiin labo mihnadood oo jaal ama deris ah isla markaana loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan had iyo goor, maadaama ay bulshada u adeegaan.


Isu duwaha Hay'adda GCAP Soomaaliya isla markaana ah madaxa barnaamijyada Hay'adda SOCDA Dr. C/qaadir Khaliif Yuusuf ayaa isna ka hadlay furitaanka tartan ciyaareedka labada munaasabadood ka tarjumaya ayaa sheegay inay had iyo goor garab taagan yihiin sidii kor loogu qaadi lahaa Isboortiga, taasi oo uu sheegay in hay'adoodu iyo Isboortiga ay muhiim tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen danaha shacabka iyo guud ahaan isku xirka bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.


Tartankaasi ciyaaraha K/Koleyga ee kulansaday labada munaasabadood ee furitaanka horyaalka K/Koleyga 25aad iyo munaasabadda maalinta la dagalanka saboolnimada waxaa isugu soo baxay kooxaha Heegan iyo Horseed, iyagoona labadaasi kooxood ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ay aad ula dhaceen daawadayaasha iyo madaxdii daawaneysay.


Ciyaartii galabta ka dhacday Garoonka Ex-Lujino waxaa ku soo baxday kooxda Heegan oo iyadu keensatay 63, halka kooxda kale ee Horseed-na ay keensatay 33, waxaana koobkii munaasabadda maalinta faqriga adduunka oo ay dhigtay hay'adda GCAP halkaasi lagu guddoonsiiyay Kooxda Heegan.


Guddoomiyaha Shirkadda Warbaahinta Somaliweyn Mudane Xuseen Cabdi Calasow ayaa koobkaasi waxauu guddoonsiiyay kooxda Heegan, iyadoo halkaasina xafladda xiritaanka munaasabadda maalinta faqriga ay khudbado ka jeediyeen madaxdii kala duwaneyd ee ka soo qeyb galay tartan ciyaareedkaasi.







yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta