Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiya kuxigeen Gudiga Olympicada soomaaliyeed oo maalinta Berito ah kusoo wajahan maagaalada muqdisho



Wafdigaa oo u hogaaminayo gudoomiya kuxigeenka gudiga olympicada soomaaliyeed oo horaantii bishaan u anbabaxay wadanka Chinaha caasimadiisa Bajin iyado ay kaqayb galeen ciyaaraha olymbicada ee kafurmayay wadankaasi .

Wafdigaan ayaa waxa uu ka koban yahay 9 xubnood oo iskugu jira ciyaartoy iyo masuliyin kala duwan oo xiirarada kala duwan ee kajira dalkeena soomaaliya madax ka ah .

Wafdigaan ayaa maata kasoo anaba baxay wadanka chinaha kadib markii laasoo gabagabeeyay ciyaarihii Olympicada iyagoo isala maantana soo gaaray wadanka Dubai

Wafdigaa oo uu hogaaminayo Gudoomiya kuxigeenka Gudiga olympicada soomaaliyee ah gudoomiya xirirka soomaaliyed ee kubada kolayga (Adan xaaji yabarow wiish)ayaa maalinta berito ah soo gaari doono wadanka soomaaliya iyagoo kumanaan dad ah ay isku diyaarinayaa sidii ay ugu soo dhawayn lahaayeen Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Kumanaankaani dadka ah ayaa farxad wayn kamuujiyay sidii ciyaaratoyda soomaaliyeed ee matalaayay dalka soomaaliya ciyaaraha olympicda ee ah ciyaaraha fudud kuwaas oo kala ah (saamiyo yuusuf cumra)iyo (c/naasir saciid ibraahin kaneeco)iyadoo dadka farxad ka muujinayaan ka qayb galkooda xili wadanka soomaliya ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan .




yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta


designed by Mdhinbil www.togga.org