Thursday 18th of March 2010 11:38:49 PM

Dib u dhaca Isbortiga Somalia iyo wax qabad la’aanta Madaxda.

Sida aan la wada socno isbortiga Somalia waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo hadba waxaa uu la jaanqaadayay nidaamka iyo xaalada markaasi ka jirta dalka.

Isbooritga Somalia xiliyada adage e uu soomaray waxa ka mid ah isqabqabsi iyo kal qob qob qeybaha kala duwan ee xiriirada Somalia inagoo xusuusana in xilli auu aad usoo jiidasho badnaa.

Hadaba maqaalkan waxaan ku eegeynaa dib u dhacyada sbortiga Somalia iyo waxqabad la’aanta madaxda sare ee isboortiga.

Isboortiga waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay isdhex galka iyo is jaceylka bulshooyinka kala gadisan, isboortigu waxaa uu qeyb ka qaataa nabada tusaale hadaan usoo qaadano dalkeena Somalia waxa la xasuustaa sanadiihii dagaalada ahliga ay ka jireen dalka in uu abuurmay leenkala qeybiya magaalada oo loogu magac daray {qadka cagaaran} taa oo markii danbe la baabi’iyay iyadoo la adeegsanayo isboortiga.

Isboortigu ma lahan cadiifad iyo qabyaalad waxaana uu astaan u yahay isjaceyl iyo isu soo dhawaansho.

Sanadihii ugu danbeeyay isboortiga Somalia waxaad moodaa inuu sameeyay horumar aan aad usii buurneen walaw ay jiraan eedeymo iyo dhaliilo loo jeedinayo maamulada kala gadisan ee isboortiga.

Waxaa xiriirada kala gadisan ee Isboortiga Somalia lagu amaanaa inay marna ka maqnaan tartamada caalamiga ah iyo kuwa goboleedka iyagoo had iyo goor u taagan gaarsiinta calanka goobaha laga casuumo taa oo ay ku guul dareysteen wadamo leh dowlado shaqeynaya.

Inagoo og taa ayaa hadane waxa jira dib u dhac aad u baahsan kaa oo hareeyay Isbooritga Somalia iyo sidoo kale in loo isticmaalo dano iyo ujeedooyin shaqsiyadeed.

Inkastoo dhibaatada dalka ka dhacday ay saameyn weyn ku yeelatay dhamaan adeegyadii bulshada isboortigu waxaa uu ka mid yahay qeybaha ka badbaaday burburka oo wali waa uu shaqeynayaa mana jirto horumar uu sameeyay marka laga reebo guuldarooyin caado u noqday in faraqa loo soo suro marka ay dibada u baxaan iyagoo huwan calanka dalka.

Isbooriga Somalia waxaa loo adeegsada qaab sida NGO oo kale ah si lacag looga abuurto sidaa waxaa qaba Maxamuud Ibraahim Absuge (Adkeysi) oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhabar adeegay horumarinta isboortiga somalia.

Waxaa uu Adkeysi dhaliilsanyahay qaabka ay wax u wadan maamulada kala gadisan ee isbooriga waxaana uu qabaa in hadii ay sedan kusii socoto ay burburi karto gabi ahanba habsami u socodka isboortiga.

Waxaa jira shaqsiyaad isugu jira ciyaartoy iyo madax hore oo ka tirsanaa sboortiga Somalia oo ku dhibaateysan meelo kala gadisan oo ka tirsan dalka Somalia taa oo aysan xiriirka Somalia waxba u qaban, dhaliishaas waxaa xiriirka usoo jeediyay Ismaaciil Malaaq Abuukar (Sinigaal) oo ahaa daafacii birta ahaa xulka qaranka kubada cagta Somalia islamarkaana wax badan usoo qabtay dhowrida sharafta calanka dalka.

Sinigaal waxa uu ku noolyahay magaalada muqdisho isaga laftiisana waxaa uu ka tirsanyahay shaqsiyaadka aan aaminsanahay in looga maarmin horumarinta isboorita Somalia madaama uu usoo joogay xiliyo isboortigu uu lahaa xiiso iyo xamaasad gooni ah taa oo sababtay in Somalia ay aad uga dhex muuqato gobolka geeska afrika, guud ahaan qaarada iyo tartamada wadamada carabta iyo islaamka.

Hadaba xalka Horumarinta isboorigu waxaa uu ku jiraa in la helo shaqsiyaad daacad u ah horumarinta isbooriga walaw ay jiraan rag ay daacad ka tahay hadafkan isaga ah sida gudoomiyaha gudiga olombikada somaliyeed ee GOS Aadan xaaji yabarow (Wiish) oo tusaale wanaagsna noqon kara.

Copyright © 2009 Goolka.com. All Rights Reserved.

Designed by