Friday 12th of March 2010 11:50:30 AM

Faaqidaada ciyaaraha aduunka.

Maanta ayaan waxaan uga hadli doonaa barnaamijkeena sida uu u dhici doono jimcaha soo socodo isku aadisga world cup-ka 2010-ka,

Ayada oo lagu wado in jimcaha magaalada cape town lagu sameeyo isku aadinta kooxaha u soo baxay world cup-ka ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada cape town diyaar garow heer sare ah.

Waxaa la xiray gabi ahaan wadooyinka soo kalo xarunta convention center oo lagu wado in lagu qabto xaflada maalinta jimcaha ah, sidoo kale waxaa aad loo sugay amaanka dhamaan meelaha u dhow xaruntaas.

Waxaa sidoo kale si weyn loo diyaariyay halka iyo hotelada ay dagayaan kooxaha imaanayo dalka, waxaa kale oo xusid mudan in shaashado lagala socdo natiijooyinka isku aadiska lagu dhajiyay dhamaan wadooyinka waa weyn ee cape town.

Waxaa lagu wadaa 2-12-09-in uu cape town yimaado hogaamiyaha fifa sepp blatter yo wufuud kale oo ka tirsan xiriirka kubada cagta ee fifa, sidoo kale, isla maalintaas cape town waxaa lagu wadaa in la keeno koobka lagu tartamayo nafsad ahaantiisa, iyo waliba waxaa lagu wadaa in ay yimaadaan fanaaniin caan ah oo lagu wado in ay xaflada ku soo bandhigaan heeso cajiib ah.

Sidoo kale waxaa la sheekay sida ay magaalooyinka uga kala dhici doonaan kulamada.

Copyright © 2009 Goolka.com. All Rights Reserved.

Designed by