Thursday 18th of March 2010 11:45:38 PM

Kooxaha Yurub oo Loolan ugu jira Heshiiska Gerrard

Kooxaha ugu waaweyn Yurub, ayaa loolan heshiis ugu jira laacibka khadka dhexe iyo kabtanka naadiga Liverpool Steven Gerrard, kadib markay soo baxeen warbixino sheegaya in ciyaartoygu qarka u saaran yahay qorshe kooxdu ugu tallogashay inay lacagta heshiiskiisa uga soo xeroota dib ugu maalgeliyaan naadiga.

Wararka ciyaaraha adduunka, ayaa tibaaxaya in kooxda ka tirsan horyaalka Ingiriisku ay ku jirto qorshe ay ku damacsan yihiin siday maalgelin ugu samayn lahaayeen tayadda kooxda iyo inay helaan kharash badan oo ay ku bixiyaan iibka laacibyo cusub oo naadiga lagu soo biiriyo, kahor inta aan la gaadhin bilawga xilli-ciyaareedka soo socda.

Haddaba, kooxaha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka sida Real Madrid, Barcelona iyo Inter, ayaa la xaqiijiyey inay si weyn ugu riyaaqi doonaan helitaanka heshiiska xiddigga qaranka Ingiriiska, iyadoo Gerrard la rumaysan yahay inuu tixgelin doono dalabyada lagu baadi-goobayo, haddii loo soo bandhigo heshiisyo qiimeheedu aad u sareeyo, inkastoo Gerrard uu laba xilli-ciyaarood kahor ka gaabsaday kooxo badan oo si weyn u danaynayey inay heshiis kula wareegaan.

Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Liverpool ayaa qarka u saaran inuu ka diga-rogta naadiga uu ka tirsan yahay, haddii aanay kooxdu waxba ka badalin masiibada qaab-ciyaareed xummo ee baryahan dambe ku habsatay tayadii iyo ciyaarihii looga bartay naadiga, kadib markuu ka soo laabto tartanka tartanka ciyaaraha kama dambaysta koobka adduunka ee sannadka 2010-ka lagu qaban doono dalka Koonfur Afrika, taasoo la filayo inuu qaadan doono go’aankiisa kama dambaysta ah ee uu xammaanta kaga urursanayo kooxda uu badanka waqtigii xirfadiisa kubadda cagta ku soo qaatay.

Copyright © 2009 Goolka.com. All Rights Reserved.

Designed by