Tababarka Tababarayaasha K/Koleyga Soomaaliya Oo Ka Furmay Djibouti
Djibouti: Magaalada Djibouti waxaa si rasmi ah uga furmay tababarka Tababarayaasha Kubadda Koleyga heerka 1-aad [Coaches Clinic Level I] oo ay soo qabaqanqabisay Olympic Solidarity.
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay kuna saabsan furitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiint sare ee wasaraadaha isboortiga Jabuuti iyo Somalia iyo dhinaca mas`uuliyiinta ugu sareysa Olambikada labada dal iyo mas`uuliyiin ka tirsan Xiriirada Kubadda Koleyga iyo Kubadda Gacanta.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Olambikada Somaaliyeed Aaadan Xaaji Yabaroow [Wiish] oo ka hadlay dadaal ay u galeen taabagelinta tababarkan oo uu sheegay in ay GOS kala kaashadeen Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo Olympic Solidarity oo maalgelisay tababarkan wuxuuna u mahadceliyay mas`uuliyiinta isboortiga jabuuti oo uu sheegay in ay mar walba hiil iyo hooba ay la garab taagan yahiin walaalahooda Soomaaliyeed . wuxuuna kula dardaarmay tababarayaasha tababarkan qaadanaya in ay ka faa`ideysataan fursadan qaaliga isla markaasna ay noqdaan kuwo wax u tara dadkooda. Dhanka kale Guddoomiyaha GOS ayaa ugu mahadceliyay shirkadaha ganacsiga ee Jubba Airways iyo Qaran Express oo gacan muhiim ah ka qaatay habsami u socodka tababarkan.
Macalin R. Owino oo Tababaraha tababarayaasha kubadda Koleyga Soomaaliyeed ee tababarkan u socda ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu arko tababarayaal 21 garaya oo isugu jira rag iyo dumar oo u diyaarsan in ay ka qeybqaataan horumarinta ciyaaraha kubadda koleyga isagoo u balan qaaday tababarayaasha inuu u gudbin doono aqoonta uu u leeyahay dhinaca tababarka Koleyga isagoo xusay in tababarkiisu ku salaysan yahay hab la jaanqaadaya Basketball-ka Dunida. Wuxuuna amaan u soo jeediyay isboortiga labada wadan ee Somalia iyo Djibouti .
Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu horeyn waxay mahadcelin u soo jeedisay dowladda iyo dadka Djibouti waxay sheegtay in ay aad ugu mahadcelinayaan sida u gacansiyaan Isboortiga Soomaalida gaar ahaan dhinaca Isboortiga waxayna ku dheeraatay Djibouti ay noqon doonto xarun labaad oo ay wasaaradda isboortiga ka wado howlaheeda, waxayna u mahadcelisay macalinka u dhashay dalka Kenya ee Mr. R. Owino .
Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Isboortiga Djibouti Xasna Barkad Daa`uud oo ka dhawaajisay in ay farxad weyn u tahay dhiirigelinta horumarka Somalia iyadoo u balanqaaday Isboortiga Soomaaliyeed inay gacan mar walba dowladeedu gacansiin doonto . Xasna barkhad ayaa waxaa ay ammaan u soo jeedisay wasaaradda isboortiga iyo GOS iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga doorka ay ka qaadanayaan horumarinta Isboortiga .
Waa markii labaad tababar Caalami ah oo ay ka qeybqaadanayaan tababarayaasha K/Koleyga oo heerka 1-aad waxaana kani uu uga duwan yahay iyadoo lagu qabanayo meel ka baxsan dalka.
Isboorti Chief Editor
Said Ibrahim Hussein [BUUNA]
- Login to post comments





