Ciyaaraha |
Kaka Iyo Ronaldinho Oo Iska Daba Maray In Bilada Ballon D' Uu U Qalmo MessiXidigaha xulka dalka Brazil iyo Kooxda ACMilan ee Kaka iyo Ronaldinho ayaa markii ugu horaysay si wada jir ah u qiray in ciyaaryahanka xulka dalka Argentina iyo kooxda Barcelona uu u qalmo in la siiyo bilada ciyaartooyga caalamka iyo Yuruba ugu wanaagsan. Warkan oo ay faafiyeen dhamaanba shabakada ciyaaraha ka faalooda ayaa intaa ku daraya in Kaka iyo Ronaldinho ay sheegeen in Messi uu ka wanaagsan Yahay Cristiano Ronaldo oo isagu u soo tafa xaytay sidii uu u qaadi lahaa xidiga caalamka iyo Yuruba ugu wanaagsan. Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen labadan ciyaartoy Hotel wayn oo ku yaala magaalada Milan, oo ay kooxdoodu ka dhisan tahay waxay isku raaceen in Messi uu ku guulaysan doono xidignimada Yurub iyo caalamkaba waxaana ugu horayn hadalka ku hor marmay Kaka waxaanu yidhi Run ahaantii hadii la I yidhaahdo yaa la siiyaa bilada xidiga caalamka ugu wanaagsan, waxa aan odhan lahaa Messi ha la siiyo, waayo waa ciyaaryahan si weyn u shaqeeya, isla markaana ah mid xoogan oo leh khibrad iyo waayo arragninimo. Sida oo kale waxa isna aan meesha ka maqnayn Cristiano Ronaldo. Balse mar walba waxa aan mudnaanta siinayaa Messi oo aan qabo in uu ka wanaagsan yahay Ronaldo. Ayuu Kaka Yidhi. In yar ka dib ayuu Ronaldinho, codbaahiyaha la wareegay, waxaanu sheegay in hadii uu gacanta ku hayn lahaa biladaha loogu talo galay ciyaaryahanada ugu wanaagsan dunida iyo Yurub-ba uu siin lahaa ciyaaryahanada kala ah Kaka iyo Messi oo uu tilmaamay in ay saaxiibo dhaw yihiin isaga oo arrintaa faah-faahin ka bixinayana waxa uu yidhi Anigu hadii aan gacanta ku lahayn biladaha waxa aan kala siin lahaa Kaka iyo Messi, maxaa yeelay waa saaxiibaday, ogaada oo farxadoodu waa farxadayda. Haddii ay cidi maanta wax iga maqlayso waxa aan odhan lahaa Kaka iyo Messi ha la kala siiyo biladaha ayuu Ronaldinho yidhi. Dhanka kale Ronaldinho ayaa xagaagan bilawgiisii ka soo dhaqaajiyey kooxdii uu sida aadka ah u jeclaa ee Barcelona , waxa aan isaguna waxba ka danbaynin tababarihii hore ee kooxda Barcelona Frank Rijkaard. Si kastaba ha ahaatee Ronaldinho oo ay shirkaa jaraa’id kaka wada qabteen ayaa erayadiisii ugu danbeeyay carabka ku dhuftay in tababarihii hore ee kooxda Barcelona ay saaxiibo dhaw ahaayeen waxaanu intaa ku daray in uu ahaa macalin si wanaagsan xilkiisa u gudan jiray isaga oo arrintaa faah-faahin ka bixinayana waxa uu yidhi Sida runta ah Frank Rijkaard waxa uu ahaa macalinkaygii, waxaanu ahaa nin aanu saaxiibo dhawnahay, run ahaantii waxa uu ahaa nin si wanaagsan ula dhaqma ciyaartooygiisa, wuu kaftan badnaa dulqaadna wuu u dheeraa ayaan odhan lahaa, waxaana ayaan badan ciyaaryahanka uu khibradiisa u soo bandhigo’ ayuu Ronaldinho uu hadalkiisa ku soo gabogabeeyay yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |