XULALKA HIIRAAN IYO SHABEELADA DHEXE OO KULAN SAAXIIB TIMO KU YEESHAY MAGAALADA JOWHAR


Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada jowhar ee xarunta shabeelada dhexe waxaa ka dhacay kulan adag oo ay isku fara saareen laba kooxood ee laga gala soo xulay gobalada Hiiraan iyo SH/DHexe iaydoo ciyaar taasina ahayd ciyaar siwayn ay usoo agaasimeen xiiriirka kajira magaalada Jowhar iaydoo labadaani gobal uu ka dhexeeyo cadaawad sports .

Furitaankii kulankaani ayaa waxaa ka hadalay Gudoomiyaha Xiriirka Gobalka Hiiraan (Cumar baadiyow) isagoo sheegay inay doonayaa inkulankaasi lagu xaliyo qilaafka sports ee ka dhaxeeya labadaasi Gobal waxa kaloo itaan kudaray inay aya ciyaar toyda aysan isku adeegsan waxa ka baxsan ciyaarata isagoo Cumar Baadiyow uu hadalkiisa kusoo gunaanaday ina laqanciyo taageerayaasha labada gobal ayna ciyartodana soo bandhigaan ciyaara siwayn loo jeclaysto.iyadoo goobtana lagu soo ban dhigay fan dasyo kusaab san sidii loo heshii siinlaha labadaasi gobal .

Intaa kadib ayaa isna waxaa ka hadlay mid kamida ah odayaasha ku dhaqan Magaalada Jowhar oo magaciisa layiraahado Aadan Dheere iasagoo halkaasi uga mahad celi yay gobalaka hiiraan sida ay iskugu soo hawleen inay kazoo qayb galayn ciyaartaani oo lagu xalinayo qilaafka sports ee ka dhexeeya labadaani gobal .

Inataa kadib waxaa laga dhawaajiyay seerigii ciyaarta iyadoo ciyaartaasina ay gasoorayeen sadax gasoore ee laga keenay Gobalka Bay magaala madax diisa Baydhabo .ciyaartaan oo ahayd ciyaar xamasadeeda wadatay oo ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar siwayn loo jeclaysta ayaa waxaa good ayaa kusoo irlatay 2 iyo 1 oo ay guusha kuraacday xulkii martida ahaa ee Hiiraan iyadoo macalinkii watay xulka Hiiraan uu farxad kamuujiyay kaguulaysigii uu ka guulaystay xulak SH/DHexe

iyadoo masuuliyiintii soo abaa bushay koobkaasi ay usheegayn Gobalka Hiiraan inay koobka ku siin doonaay Xaflad lagu qabandoono Gobalkooda Hiiraan ciyaartiina waxaa kusoo idlaatay sidii loogu tala galay








yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta

Sifatu salaah

ka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo.


designed by Mdhinbil www.togga.org