Ciyaaraha |
Guddiga Olambikada Soomaaliya Qalab Isboorti Oo ay Ka heleen I.O.C Guddoonsiiyay Wakiilo Ka Socda Gobolada Dalka Qaarkood‏Guddiga Olambikada Soomaaliya Qalab Isboorti Oo ay Ka heleen I.O.C Guddoonsiiyay Wakiilo Ka Socda Gobolada Dalka Qaarkood . Hotelka Jiddah ee magaalada Muqdishu oo xarun u ah G.O.S lagu qabtay Kulan qalab isboorti lagu guddoonsiinayay wakiilo isboorti oo kala kala socda gobolada dalka qaarkood , Qalabkan isboorti ayaa waxaa uu ka yimid dhanka Olambikada adduunka (I.O.C ) kaas oo ay ugu talagaleen in ay GOS u adeegsadaan horumarinta isboortiga dalka . Kulanka guddoonsiinta qalabka ayaa waxaa ka hadlay mas`uuliyiinta ugu sare ee GOS C/qaadir Ibraahib Gacal (Abkoow),Aadan X.Yabarow (Wiish) Xaaji Colow waxayna dhamaantood u mahadceliyiin IOC iyagoo si weyna kula dardaarmay wakiilada gobolda in ay gaarsiiyaan goboladooda qalabka isboorti isla markaana ay ka muuqdaan fagaarayaasha isboortiga goboladooda , waxayna mas`uuliyiinta GOS ay intaasi ku dareen in tani ay tijaabo tahay haddii gobolada iyo inta qalabkan isboorti la siiyay ay sida ay tahay wax ugu qabtaan in IOC ay qalab kale u keeni doonto . Waa markii ugu horeysay oo ay qalab isboorti soo gaarsiiyaan IOC GOS waxaa sida wararku tibaaxayaan qalabkan oo muddo la sugaayay ay ku suragashay keeniddiisa hay`adda WFP oo gacan ka geysatay islamarkaana soo saartay markab ay leedahay . Inkastoo qalabkan isboorti aan la gaarsiinin guud ahaan 18-ka gobol ee dalka haddana waxaa muuqanayay in ay guddoomeen oo keliya gobolada kala ah Gedo, Sh/hoose, Bay.Bakool,Galgaduud iyo Hiiraan .iyadoo xafladii ka dhacday Hotelka Jidah ay kusoo gababa gabowday jawi aad uwanaagsan ![]() ![]() yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.commohamoudimad@hotmail.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |