Seminar Lagu Baranayo Maamulka iyo Garsoorka Kubadda Cagta oo XSKC Afar Gobol Uga Furmay magaalada Gaalkacyo


Waxaa Hotelka Amal Plaza ee magaalada Galkacyo Gobolka Mudug xarigga looga jaray Tababar la xiriira Maamulka Kubadda cagta iyo Garsoorka oo soconaya muddo 11 cisho kasoo ay Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ay ugu talagaleen horumarinta isboortiga gaar ahaan Gobolada Dhexe .



Seminar-kan kor loogu qaadayo aqoonta maamulka iyo garsoorka ayaa waxaa ka qeybgalay Mas`uuliyiin ka tirsan Maamulada isboortiga ka jira Gobalada Mudug,Nugaal,Bari,Sool, Sanaag iyo Garsoorayaal.



Furitaanka xafladda Seminaarkan ayaa waxaa ka muuqday saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Mudug waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha C/Nuur Maxamed Geseey isagoo tibaaxay in ay aad ugu faraxsan yahiin in maamul iyo garsoor K/Cagta Gobolka lagu qabto aqoon kororsi la xiriira wuxuuna kula dardaarmay in si wanaagsan looga faa`ideysto isagoo u mahadceliyay XSKC wuxuuna kula dardaarmay in ay dadaalkooda halkiisa ka sii wadaan.



Xoghayaha guud ee XSKC C/qani Saciid Carab ayaa isagana ka hadlay isagoo sheegay in XSKC ay ugu talagaleen in sare loo qaado horumarinta ciyaaraha K/Cagta isagoo kula dardaarmay in laga faadeysto aqoonta ay tebinayaan macalimiinta bixinaysa casharada maamulka iyo garsoorka kubadda cagta .



Waxaad tababarkan ka faa`deystaan waxaa loo baahan yahay in aad uga faa`ideysaan dadkiina iyo goboladii aad ka timaadeen sidaasna waxaa yiri Xoghayaha XSKC C/qani isagoo intaasi raaciyay in laga gudbo is qabqabsi maamul loona gudbi sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliya .



Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xariirka K/C Soomaalia Cali Saciid Guleed oo isna Seminaarkan hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa tibaaxay in qeybgalayaasha seminaarkan ay noqdaan kuwo mustaqbalka anfaca isboortiga dalka gaar ahaan K/Cagta wuxuu ku dhiirigeliyay in ay yahiin kuwa ay bahda isbrootiga ka sugayaan maamul wanaag iyo garsoor daacad ah mustaqbalka dhow .



Guud ahaan jawiga furitaanka Seminaarkan kor loogu qaadayo horumarinta Maamulka iyo Garsoorka Kubadda Cagta oo soo agaasimeen XSKC ayaa ahaa mid si heer sare ah ku qabsoomay waxaana xusid mudan in casharada dhinaca Mamulka iyo Garsoorka ay bixinayaan C/qani Saciid Carab iyo Garsoorayaasha Caalami ee kala ah Xasan Fareey iyo Aweys .




yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
mohamoudimad@hotmail.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta