Ciyaaraha |
Cayaaraha Somali Cup ee kubada cagta ee finland oo la soo gabagabeeyeyMaanta oo axad ahayd ayaa la cayaaray ciyaartii finalka ahayd ee koobkii Somali Cup ee kubada cagta laguna qabtay garoonka myllypuro ee magaalada helsinki ee dalka finland. Waxaa maanta wada ciyaaray ciyaartii kama dambeysta ahayd kooxaha YJK/Kann iyo Vaasa labadan kooxood oo muujiyey ciyaar aad u wanaagsan dad weynii ka soo qayb galayna ay aad uga heleen ayaa ciyaarta qaybteedii hore ku dhamaatay kooxdii YJK oo dhalisay laba gool iyo kooxdii vaasa oo aan waxba dhalin markii laysku soo laabtay qaybtii labaad ayey laba gool oo kale dhaliyeen kooxdii YJK halkaasina ay guushii ku raacday kooxdii YJK 4-0. Cayaartii maanta waxaa ka soo qayb galay marti sharaf fara badan oo ah odayaal sporti horayna uga soo shaqeeyey maamuladii dalka ka jiray iyo gudiga qabanqaabada ee ururka dhaqanka iyo sportiga ee dalka finland (Socus) waxaana marti sharafta ka mid ahaa Omar mohamed jamac,Maxamed yaanyo ,Daahir macallin, cabdi dheere, Nuux ismail, Iiman sahal, Daadow,MAxamed diiriye,Bile bii,Juujuule, Yaasiin abdi rage, Axmed Imad. Waxaa kaloo xusid mudan garsoorayaashii soomaaliyeed ee ka qayb qaatay,Abdixamiid cawil bile,Maxamed daada (Anelka),iyo Hashim. Sawirada gadaal ayaan ka soo galin doonaa
![]() ![]() ![]() ![]() Info@goolka.comGoolka Helsinkiback |
User LoginWararka![]() read more ![]() read more ![]() read more ![]() read more Ogeysiis Ururka Qabanqaabada Cayaaraha Heerka 1aad ee Swedan shir sanadeedkii 2008 read more XayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |
|||