WAR BIXIN KUSAABSAN XIRIIRKA SOOMALIYEED EE FEERKA


Xiriirka soomaaliyeed ee feeraka ayaa wadanka soomaaliya kasuulay sanadii 1977 kadib markii uu mamnuucay madaxwaynihii dowlada milateriga Maxamed siyaad Bare balse iminka waxaa isku dayay inay dib usoo noo leeyaan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Xiriirka Feerka isagoo mudo 30 sano kudhawaad laga waayay fagaaraha isboortiga soomlaaiyeed

Haatan ayuu Guddiga Olombikada Soomaaliyeed doonayaa in dib ugu soo celiyo fagaarayaasha Isboortiga Soomaaliyeed Xiriirkaas oo goor dhaw kaqayb galay Tartan lagu xusayo marxuum Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jeenyo) oo sanadkii hore ku geeriyooday Dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka-Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) markuu u waramayay WABSEDKA GOOLKA ushegay inuu ku farax san yahay inuu soo noolado xiriirka uu gudoomiyaha kayahay ee Feerka kagadaal markii aya Gudiga Olombikada soomaliyeed ay dadaalo ugu jireen sidii markale looga arki lahaa fagaraha ciyaaraha siada wayn loo xiiseeyo ee feerka .

Intaa waxa kaloo uu kudaray Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Feerka Maxamed Axmed Colow (Xaaji Colow) ayaa shgeegay in ay si weyn ugu rajo weyn yihiin in ay dib u soo nooleeyaan Xiriirkaas oo muddo dheer ka maqnaa fagaarayaasha Isboortiga Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay aas-aasayaan Kooxo Heer Dugsi ah, kuwaasi oo ay ka xuli doonaan Kooxo heerar kala duwan leh oo ka qeybgeli doona Tartamada Heer Gobol iyo Heer Caalami.

Guddoomiyaha Xiriirka Feerka Maxmed Axmed Colow (Xaaji Colow) waxaa uu sheegay in ay dhinaca qalabka ka liitaan balse ay rajeynayaan in ay heli doonaan qalab ay ku ciyaaraan ciyaartoyda Xiriirka, gaar ahaan Riinge ka fiican midka ay Ciyaarta ku bilaabeen.

Ugu dambeyntii, Xaaji Colow waxaa uu usheegay WABSEDKA GOOLKA inuu ii yahay wabsed ay siway ay udaawadaan dhamaan ciyaatoyda kala gadisan ee ka cayaarta wadan keena soomaaliya iyo dibadahaba ugu dan beentiina waxa uu umahd celiyay sida way nee Gudiga Olombika ay ug howlan yihiin sidii markale loosoo dhoolayn laha ciyaaraha Feerka







yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta