KOOXDA ELMAN OO QIRATAY INAY XIRIIRKA KUBADA CAGTA SOMAALIYEED GOYSAY


Kooxda Elman ayaa goysay xariga u dhaxeeyay xiriirka k/cagta somalia iyo iyada markii ay u aragtay meesha meel shaqsiyaad gaar ah ay iska maamushaan oo aan kooxihii iyo dadkii kale ee maamulka ku jira aan lala tashaneyn.

Kooxad Elman ayaa markii ay aragtay maamul xumada meesha ka socota waxey go'aan ku gaareyn in ay waraaq u qoraan 2 shaqsi ee xiriirka maamusha iyagoo u sheegay iney wada shaqeyntii ka dhaxeysay ay joojiyeen ilaa amar danbe.

Xiriir wax la yiraah meesha kama jiraan, wax isku yimaada iyo wax kulma ma jiraan. Mar waxaa baxa Saciid Mugaanbe markii uu soo laabatana waxaa baxa c/qani said Carab,marka meesha xiriir kama jireen waxaa jira safaro loo baxo dibadaha oo xoogaa gunooyin ah laga soo qaato sidaa waxaa ii sheegay mid ka mid ah madaxda ugu sareyasa maamulka kooxda Elman magaciisa la qariyay.

Qilaafka soo kala dhex galay naadiga Elman iyo xiriirka k/cagta somalia hogaankiisa ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn sababta rasmiga ah ee uu ku bilowday hayeeshee markii aad la hadasho madaxdiisa waxey kuu sheegayaan in maamul wax gala ah oo ay la shaqeeyaan uusan meesha ka jirin.

Waxey kaloo ii sheegeyn maamulka Elam in awoodii xiriirka dadkii xaqa u lahaa aysan waxba ka aheyn iyadoo xiriirka oo dhan uu yahay xeyndaab u xiran labo nin oo kaliyaha.

Qilaafka rasmiga ah ee kooxad Elman iyo xiriirka ayaa wuxuu soo if baxay markii la sheegay in ciyaartoydii ay ku lahaayeen kooxda tahriibka ku aaday dalka jaboutri ee Daallo ay ka reebteen safarkaasi tahriibka ah iyagoo ku sheegay in xaq daro ay tahay safarkaasi ciyaartoyna aysan ku bixineyn.




yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta