Ciyaaraha |
Gudoomiya kuxigeenka kooxda FC.Elman oo uu waraysi la yeeshay wabseydka Goolka![]() Tan iyo markii ay dagaalada ahliga ahi ka dhaceen dalkeeni hooyo waxaa si aad ah hoos ugu sii dhacayey cayaarihii dalka guud ahaan gaar ahaan kooxihii dalka oo dhamaantood ay milkiyadooda lahaayeen wasaaradihii dawladda kuwaasoo aan dib u soo kabsan maadaama aysan jirin cid isku xilsaaartay in ay soo noolayso kooxahaasi. Xiligii ay hadaba dagaalada sokeeye dalka ka socdeen ayaa waxaa hadaba ka soo dhexbaxay bahwaynta cayaaraha dalka dad ayagu iskood isku xilqaamay ka dibna aas aasay kooxo isugu jira kubadda cagta iyo kolaygaba kuwaasoo inkastoo ay dhamaantood magac ahaan u jiraan ilaa iyo hadda hadana ku kala hormaray dhinaca wax qabadka iyo guulahaba. Kooxda kubadda cagta ee Elman (Elman Football Club) ayaa ka mid ah kooxihii la aas aasay dagaalada sokeeye ayadoo kooxdaasina ay hadda tahay kooxda kaliya ee la oran karo waa koox leh maamul, xafiis, cayaartoy, taageerayaal iyo waliba magac ay uga duwan tahay kuwa kale ee dalka ka jira kuna soo jiidatay indhaha bahwaynta soomaaliyeed ee cayaaraha jecel. horumarka kooxda Elman gaartay iyo sababaha keenay in ay uga hormaraan kooxaha kale ee dalka anagoo kula kulanay magaalada London oo uu degan yahay. Waraysiga waxa uu u dhacay sidan: C/Qaadir: oo ku hadlaya magaca Elman waxaan kaaga mahadcelinayaa waraysigan iyo waliba shaqada baaxadda leh ee aad bulshada u haysaan. suaal: Xagee, Goorma yaase aas aasay Elman? C/Qaadir: Nadiga Elman waxa alagu aas aasay Muqdishu sanadki 1993dii, waxaana as aasay Alaha u naxariisto Maxamuud Axmed Cali (Elman) suaal: Waa sidee qaab dhismeedka kooxda? C/Qaadir: Qab dhismedka Nadiga waa si calami ah waxa u leeyahay Naadiga Board ka kooban ilaa 10 qofood oo ansixiya qorshaha Naadiga sidoo kale waxa ku xiga Gudiga Fulinta oo ka kooban ilaa 9 qofood qaab ahaan sidaa ayuu u dhisan yahay waxa una leyahay dastur kala haga Nadiga. suaal: Garoonka kooxda xagee buu Xamar uga yaalaa asagu? C/Qaadir: Naadiga ilaa hada malahan Garoon isaga ku magacaaban waxa uuse ku alamiinteeyaa garoomo macmal ah oo kuyaala magaalada sida garoonkii horseed. suaal: Imisa heer oo cayaartoy ah ayey Elman leedahay? C/Qaadir: Ilaa sadex Heer oo cayaartoy ayuu leeyaahy Nadigu kuwaasoo kala - A. B.C suaal: Waxaan la soconaa in aad caruur yaryar ku haysaan kooxda marka caruurta aad haysiin sidee u heshaan ama u aruurisaan? C/Qaadir: Caruurta inta badan waa kuwa darbi jiifka ah ama waxa loo yaqaan Streat children, waxaan marka hore ugu tagnaa wadooyinka oon kula sheekeysanaa ka dibna xarunta ayaan kusoo xirnaa si dhaqankooda wax looga badalo. suaal: Yaa idinka caawiya dakhliga kooxda? C/Qaadir: Naadiga waxa u leeyahay wax loo yaqaan Friends of Elman oo ah dhalinyaro dibada ku nool iyo gudahaba oo bixiya lacago kaalmo ah, sidoo kale waxaan wada shaqeynaa NGO La yiraahdo Youthlink oo ka faracmay Naadiga Elman oo isagana mashruucyo kala duwan ka shaqeyo mashruucyadaas oo ay ciyaartoyda Naadiga ka helaan wixi tasilaad ah ama Insentive aan iraahdee. suaal: Hay'adaha aad la shaqaysaan waa kuwee? C/Qaadir: Hay adaha aan xiririka la leenahay waa Concern, CRD,NRC iyo YLS. suaal: Maxaad isleedahay way ka hortaagan yihiin horumarkan kooxaha kale ee dalka ka jira? C/Qaadir: Ma jiraan wax ka hortaagan waxey u baahan yihiin dhalinyaro isxilqaama oo u istaaga horumarkooda. suaal: Macalimiinta kooxda sidee lagu doortaa yaase hadda haya kooxda waawayn ama Serie A? C/Qaadir: Macalimiinta Nadiga waxa doorta maamulka Naadiga hadana waxaa macalin u ah naadiga Cabdi Farax cALI (Geela Ex Mnishibio) suaal: Marka uusan horyaal socon maxaad qabataan koox ahaan? C/Qaadir: Marka uusan horyaal socon waxaan qabanaa shaqooyin fara badan sida waxaan ka qayb qaadanaa horumarinta isboortiga gobolada dalka iyo waliba degmooyinka waxaan qabanaa tartamo aan anaga bixino qarashyada ku baxa sidoo kale waxaan socod dheer oo cayaaro iyo wacyigalin ah ku tagnaa gobolada dalka. suaal: Taageerayaal dibadda ma ku leedihiin sida Kenya oo kale? C/Qaadir: Haa dalka kenya waxaan ku leenahay taageerayaal fara badan waayo aad ayaa loga yaqaanaa Naadiga Elman Wadamada Bariga iyo bartamaha Afrika qaasatan Soomaalida kunool Dalka Kenya. suaal: Ma ku fakarteen in aad heshaan taageero dibadda ah gaar ahaan dhinaca waxbarashada cayaartoyda iyo macalimiinta? C/Qaadir: Wali nasiib uma yeelanin naadigu inuu macalimiin ama cayaartooy waxbarasho dibada ah u diro laakiin waan rajeyneynaa mustaqbalka dhaw. suaal: Waa sidee xiriirka aad la leedihiin XSKC iyo waliba GOS? C/Qaadir: Xiririka aan la lenahay XSKC iyo GOS,Waa mid aad u xoogan Wuuna waanagsan yahay. suaal: XSKC maadaama hadda loo fasaxay lacagihii ka xanibnaa ma ka heshaan taageero dhaqaale? C/Qaadir: Maya majiraan wax dhaqala ah oo an ilaa hada ka helno xirirka Somaaliyeed balse maadaama dhaqaalaha loo fasaxay waxaan rajaynaynaa inaan ka heli doono insha alaah. suaal: Mararka qaar oo aad baxdaan safarada qaranka kaligiin maxaa faaiido ah oo idinkugu jira koox ahaan? C/Qaadir: Runtii faa iido gaar ah ma jiraan oo aan ka ahayn in aan u dagaalano calankeena Soomaaliya iyo waliba Magaca sportiga Somaliyeed Elman ahaan. suaal: Ugu dambayn maxaad u so jeedinysaa cayaartoyda kooxda? C/Qaadir: Cayaartoyda Naadiga waxaan usoo jeedinayaa inay dadaalkoda horey usii wadaan kuna dadaalaan sidii ay u gaari lahaayeen horumar isborti oo la mid ah kan casriga ah ee dunida maanta insha alaah. suaal: Salaamaha kooxda iyo taageerayashooda? C/Qaadir: Anoo ku hadlaya magaca Naadiga Elman waxaan salaamayaa Taageerayaasha Naadiga meelkasto oo ay joogan waxaana kuleeyahay taageeradiina la-aanteed naadigu horumarka uu gaaray ma gaareen ee taageeradiina sii labanlaaba, waxaan kaloo salaamayaa dhamaan maamulka naadiga, macalimiinta, ciyaartooyda iyo shaqaalaha naadiga waxaana leeyahay waxaad gaarteen horumar lataaban karo ee sii labanlaaba. suaal: Maxaad u soo jedinaysaa dadka soomaaliyeed ee jecel in ay taageeraan Elman FC? C/Qaadir: Marlabaad waxaan usoo jeedinayaa dhamaan shacbiga soomaaliyeed iney naadiga elman oo u taagan nabada iyo horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed had iyo goorna geeya calanka somaliyeen garoomada caalamiga ah ee aduunka in ay taageeraan isla markaana hiil iyo Hooba la garab taagnaadaan kuna soo biiraan Taageerayasha Elman. yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |