Ciyaaraha |
Taariikhda Ciyaaryahan Siciid DucaaleCiyaaraha Soomaaliya, waxaa ay soo mareen waayo wanaagsan, oo dadkii xiligaas soo gaaray gaar ahaan xidigihii kaalinta ku lahaa magaca ciyaaraha Soomaaliya ee kubadda cagta, wali xusuustoodu kama go'in waqtigaas wanaagsan. Tartamada Kubadda Cagta waxaa ay soo bilowdeen Soomaaliya intii aysan gobanimada qaadan ka hor sannaddadii kontomaadkii, waxayse waayadaa somaliya horumar aad u wayn ay ka samaysay xagga k/cagta qaaradda afrika iyo waddamada carabta. Waxaa kooxaha ugu caansanaa ee Africa iyo Carabta ka muuqday ka mid ahaa kooxdii Horseed, Jeenyo ama LLPP, Gaadiidka iyo Munacipio ama dowladda Hoose. Ciyaartooy fara badan, ayaa ku soo caan baxay dhinaca kubadda cagta, waxaana ka mid ahaa ciyaartoyga lagu magacaabo Siciid Ducaalae oo taageerayaasha kolka uu soo galo garoonka ay ugu yeeri jireen maliku al-kurra, haatanna si aad ahi caan uga ah magaalada cadan ee dalka yemen. Ducaale markiisii hore waxaa uu u ciyaari jiray kooxda booliiska, hase yeeshee kolkii laysu geeyay labadii kooxood booliska iyo ciidamada magaca Horseedna loo bixiyey, ayaa waxaa uu ka mid noqdey ciyaartoydii nasiibka u yeelatay in ay matalaan kooxdaasi. Siciid Ducaale waxaa uu ahaa nin la tirsado laadadka xorta ah kolka loo dhigo sida badan, waxay ahaayeen goolal, kubadda scuruuga ama jarriinka waxaa la dhihi karayaa waxaa uu ka mid ahaa ama uu ahaaba ninkii ugu horreeyay somaliya kubadda jarriinka adeegsada inta badan marka uu laadayo laadadtka xorta ah, wuxuu kaloo ahaa weerariyahan celcelis ah oo daran, horseed waxaa uu u qaaday horiyaallo iyo koobab fara badan. Waxaa kaloo ay soo qaadeen xilligii uu u ciyaarayey koobkii SECAFA ama xulalka bariga iyo bartamaha afrika, waxaa uu ahaa nin ay aad u dhibsan jireen kooxaha Abaluya iyo Gurmahiya ee dalka Kenya. Ducaale waxaa kaloo uu hore ugu soo ciyaaray kooxda Zamaalik ee dalka Masar, inkastoo ay gaabnayd muddada uu u ciyaarayey, waxaa kaloo uu u soo ciyaaray kooxda al-wixda ee dalka Imaaraadka, ugu dambayntii wxaa uu ka mid noqdey ciyaartoyda kooxda Al-Telaal ee dalka Yemen, taasoo uu u qaaday horiyaallo iyo koobka koonfurta dalka Yemen, sidoo kale waxaa uu ka mid noqdey xulka Yementa koonfureed muddo fara badan kadibna wuu ka fariistay ciyaaraha. Haatan waa macallin maaddada xagga dhismaha jirka dugsi sare oo ku yaalla magaalada cadan,waxaa kaloo tababare uu u yahay kooxda al-tellaal oo ka mid ah kooxaha ugu faca wayn dalka yemen ,waxaana la asaasay naadigaasi sannadkii 1905 tii. Siciid Ducaale waagii uu u ciyaarayey Horseed waxaa uu ku caan baxay degenaan, dabci wanaagsan iyo farsamo kubbadeed oo aad u sarreysa, haatanna waxaa uu ku nool yahay magaalada Cadan. ![]() yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |