KOOXDA SITT DAALO OO DHAWAAN KAQAYB GALI DOONTO KOOBKA JAAMACAD CARABTA .


Kooxda kubada cagta ee SITT DAALO ayaa waxaa ay dhawaan u anbabixi doontaa koobka jaamacada carabta oo ka furmi doona wadanka Jabuuti ee xarunta dijabuuti .

Isagoo tartankaani ay ka qayb gali doonaan ilaa iyo kooxo gaaraya 4 kooxood, afartaasi kooxood ayaa waxay ka kala socdaan wadamada Falastiin. Yamen .Jabuuti. iyo Soomaaliya oo ka socota kooxdaan .

kooxda DAALO aya waxa ay kamid tahay kooxaha ugu tunka wayn kooxaha ka dhisan gudaha wadanka soomaaliya waxaana kooxdaani u cayaara ciyaartoy waayo arag ah oo inta badan katirsan xulka qaranka wadanka soomaaliya .

kooxdaani waxaa macalin u ahaa nin la yiraahdo Cabdulaahi oo dhawaanba xilka kala wareegay macalin horay u laylin jiray kooxda waxaana kooxda katirsan ciyaartoy aad u firfircoon sida Gidaamow, Nuur deeq, Aayarta,Siidii, iyo goolhaya xulka qaranka dalka soomaaliya ee 17 jirada Abuukar suudi.( abuukar nesta).

Intaa kadib kooxda waxay iminka ku jiraan diyaar garow iyagoona oo ay ugu diyaar garoobayaan ciyaarahaasi jaamacada carabta e ka furmi doona magaalada Jabuuti iyagoona tababarkooda u kasocda garoonka faca weyn koonis stadium kooxda waxay danka soomaaliya ka an babaxaysaa 25 bishaan Setembar waxayana ii sheegayaan masuuliyiinta kooxda inay wax wayna kasoo hoyn karaan koobkaani





yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta

Sifatu salaah

ka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo.


designed by Mdhinbil www.togga.org