Ciyaaraha |
WAXAA GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA QADO SHARAF LOOGU SAMEEYAY ORDAAGII CAANKA AHAA C/QAADIR CABDI-CAROONI![]() Maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 11/02/2008 waxaa qado sharaf soo dhaweyn ah loo sameeyay ordaagii caanka ahaa ee qaranka Soomaaliyeed iyo naadigii Horseed Cabdulqaadir Cabdi Carooni oo isagu maalmahan ku sugnaa gobolka Minnesota ee carriga Maraykanka. Qado sharaftaasi ayaa waxaa qabanqaabadeeda iska lahaa Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa taageerayashii ugu waaweyna ee naadiga Horseed, marna ahaa guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Banaadir. ![]() Qado sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qayb-galay Mauu’liyiin Isboorti ,Macallimiintii qaranka, taageerayaal iyo qaar ka tirsanaa cayaartooydii hore ee qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo koleyga oo ay ka mid ahaayeen: . Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin . Guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse iyo Xaaskiisa Saynab . Macallin Ibraahim suudaani . Cabdi Yuusuf . Cabdullahi Aaden Bile . Cabdullahi Moorgan . C/raxmaan Guuleed Cawaale(Aamaan) . Axmed Daahir Axmed . C/qaadir Yuusuf Ciise(Madaxey) . C/qaadir Xaaji Daahir(Shiikha) . Mohamoud Isse Faarax ![]() Waxaa iyaguna goobtaasi joogay caruurtii uu dhalay ciyaaryahn Carooni qaarkood oo kala ahaa: Mohamed C/qaadir iyo Baxnaan C/qaadir. ![]() Ugu horreyntii waxaa halkaasi hadalo soo dhawyn ah ka soo jeediyay Cabdi Horseed oo isagu cayaaryahan Carooni ku soo dhaweeyay gobolka Minnesota,waxaana Cabdi uu aad uga hadlay baahida loo qabo in la iska kaashado , waxna loo qabto cayaartooyda Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa. ![]() Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyihii hore ee naadiga Horseed Yuusuf Muuse oo soo dhaweyn ka dib aad uga warbixiyay orodyahnka Carooni oo uu ku tilmaamay inuu ka soo jeedo qoys isboorti oo caan ku ahaa ciyaaraha ciyaaraha Fudud. ![]() Ugu dambayntii waxaa halkaasi ka hadlay gudddoomiyaha isboortiga ee gobolka Minnesota Cabdi Cali Macallin oo isagu aad uga sheekeeyay isboortiga Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu ku soo tallaabsaday,isaga oo hoosta ka xariiqay in ciyaaraha fudud ay yihiin ciyaaro aad qiimo badan ugu leh dunida ,dadka Soomaaliyeedna ay yihiin kuwo u bisil oo haddii ay helaan tababaro iyo dad aqoon durugsan u leh laga dhex heli karo dhallinyaro magac iyo maamuus u soo jiida qaranka Soomaaliyeed.Waxaana uu kula dardaarmay ciyaaryahan carooni iyo dhallinyaradii kale ee maqrtiqaadkaasi joogtay in la soo saaro oo lagu dadaalo jiil Soomaaliyeed oo cayaaraha fudud gaarsiiya heer caalami . ![]() Intaasi dabadeed waxaa halkaasi isaguna mahadnaq aad u ballaaran oo ku aadan martiqaadkaasi ka soo jeediyay ciyaaryahankii qaranka Soomaaliyeed ee orodada iyo naadiga Horseed C/qadir Cabdi Carooni, waxaana uu ballanqaaday intii karaankiisa ah inuu gacan ka gaysan doono sidii loo soo saari lahaa dhallinyaro cusub oo ciyaaraha fudud ka qayb qaata ,heer fiicanna gaarsiiya. ![]() C/qaadir Cabdi Carooni oo bulshada isboortiga jecel ay ugu yeeraan (Carooni) wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1967kii, Waxaana uu aad caan ugu ahaa Orodada 100Mitir, 200Mitir, 4X4, iyo 4X1. 1984 kii ayuu markii ugu horraysay u saftay cayaaraha gobolada oo uu kaalinta 1aad ka galay orodada 100 iyo 200Mitir. 1985 ayuu u saftay naadiga heerka 1aad ee Horseed oo uu ka tirsanaa ilaa 1988 waxaana uu ahaa ciyaaryahankii ugu badnaa ee ku guulaysta billadaha kaalinta 1aad ee orodada 100 M iyo 200 mitiir. 1987 kii ayuu ciyaaryahan Carooni ku biiray ciyaaryahannada qaranka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud ,waxaana uu ka qayb-galay tartamadii ciyaaraha All African Games ee lagu qabtay Nairobi-Kenya. Ciyaaryahan Carooni ayaa haatan aad ugu farxay heerka wiilkiisa Maxamed Cabdulqaadir uu ka gaaray ciyaaraha fudud oo uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan ,kuna guulaystay kaalimaha 1aad ee orodada 800 iyo 1500 Mitir ee Minnesota,waxaana Maxamed uu dhigtaa dugsiga sare ee Saint- Paul central ![]() ![]() ![]() Diyaariye: Shiikha Somali-youth.org back |
User LoginWararkaXayeysiinta |