Ciyaaraha |
Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta C/qani Saciid Carab Oo Noqday Gudoomiyah Qabanqaabada Tartanka CECAFA Ee Afarta Sano ee Soo socotaWaxaa inoo suragasahay inaan wareysi la yeelano Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta C/qani Saciid Carab oo iminka ku sugan gobolka Muduig magaaladiisa Gaalkacyo , Xoghaye C/qani oo aan xog wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanay ayaa waxaa uu u dhacan sidan: Goolka : C/qani adigoo mahadsan waxaad inoogu warantaa waxqabadkii ugu danbeeyay ee XSKC. C/qani: Mahadsanid yusrifuuda sida aad la socotid waxqabadka xiriirka waxaa ugu danbeeya iyadoo aanu xoogga saarnay sidii aanu u dhamaystiri lahayn isreeb reebka 14-aad ee tartanka ciyaaraha K/Cagta ee Gobolada , sidoo kale magaaladan Gaalkacyo ka furmay seminar dhinaca maamulka iyo garsoorka K/Cagta si wanaagsan ayayna ku soo gabagaboobeen . Goolka : Seminaarkan aad ku qabateen Gaalkacyo bal sharaxaad naga sii waxa lagu qaadanayay oo casharadii lagu baranayay ka mid ahaa ama muhiimaddiisu waxa ay ahayd . C/qani: Waxaa lagu baranayay maamulka iyo garsoorka waxaana ka qeybqaadanayay 5 Gobol oo kala ah Mudug ,Nugaal,Sool ,Bar iyo Sanaag waxaa ka qeybqaadanayay 30 garsoore oo gobol walba 6 ayaa ka socotay dhanka maamulkana waxaa ka qeybqaadanayay Guddoomiye Xoghaye iyo qof dumar ah oo loo tababarayo Secretarial-ahaan gobol walba sidaas ayay uga qeybqaadanayay xubnihii ka socday , Casharada ay baranayaanna waxaa ugu muhiimsanaa sidii qab maamul iyo doorasho ay ugu hirgelin lahaayeen goboladooda iyagoo ku dabaqaaya dastuurka XSKC iyo casharo la xiriira garsoorka K/Cagta ayaa la baranayay . Goolka: Goorma ayay bilaabanayaan ciyaaraha Gobolada Kubadda Cagta soomaaliyeed . C/qani: Ciyaaraha 18-aad ee tartanka Gobolada Kubadda Cagta Soomaaliya wuxuu bilaabanayaan 20 bishan waxay soconayaan illaa 30-ka November waxaana u ka dhacayaa magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ku tartamaya Zone-ka 4-aad oo 5 Gobol ah kuwaas oo kala ah Mudug,Nugaal,Sool Sanaag iyo Bari . waxaana bilaabay isreebreebkii 1-aad Zone-ka 3-aad wuxuu ka dhacay Jowhar waxaa ku tartamay Sh/dhexe , Hiiraan, Galgaduud waxaa soo baxay labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe howshan waxay soo bilaababatay March 2008-da . Goolka: Waxaad noo sheegtay Zone 4iyo 3 aaway 2-aad iyo 1-aad maxay iyaguna u qabsoomi waayeen waxaan la soconaa in waqti badan badan ku dhexjiraan markii aad qabaten March-kii aan soo dhaafnay tartankii Zone 3-aad . C/qani : Waa runtii waa jirtaa arintaas lakiin waxaan kuu sheegaayaa in ciyaaraha tartanka Gobolada ama kuwa Zone 1-aad iyo 2-aad in ay u qabsoomi waayeen xaalad nabadgelyo daro awgeed taas ayaa kaliftay in aan labadaan Zone ciyaarahooda aan dib u dhigno . Goolka : Waxaa jirta in dhawaan aad guddoonsiiseen qalab isboorti wasiirka isboortiga DGP C/Nuur Cilmi iyo ka qeybgalayaasha Seminarka Gaalkacyo qalabkaas ma qalab ay FIFA hore idinku deeqday ayuu ahaa mise meelo kale ayay idinkaga yimaadeen . C/qani: Qalabka isboorka waa mid kala duwan oo leh garsoor iyo ciyaaryahano waxaa qalabkaas isboorti noogu deeqday shirkadda isgaarsiinta Nationlink ayaad ayaana ugaaga mahadcelinaynaa qalabkan waxaa loogu talagalay ciyaaraha18-aad K/Cagta gobolada dalka qaar waxaan siinay garsoorayaasha tababar looga furay Gaalkacyo iyo qaar kalena waxay noqon doonaan kuwo lagu bixiyo ciyaaraha Zone-ka 4-aad ee ka furmi doona dhawaan Garoowe , waxaan ku sheegayaa wasiirka wax qalab lagu wareejiyay si toos ah ma jiraan waa loo soo bandhigay qalabka loogu talagay ciyaaraha dhawaan ayay soo gaarayaan qalabkan Gaalkacyo ka dib waxaa loo sii gudbinayaa Garoowe oo ah halka lagu bixin doono . Goolka : Waxaa Nagu maqaala ah in laguu doortay oo aad xilligan tahay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Tartanka CECAFA aritaas maxaad inooga xaqiijin kartaa dhab ahaan . C/qani: Waa sax Saciid BUUNA aritaas waa mid jirta anigu waxaan ahay oo si Official la igu magacaabay 2008-2011 xilka Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika (German of Organizing Committee CECAFA 2008 ) waxaana maamulayaa tartankan Cecafa Senior Challenge Cup 2008 ee ka furmi doona Ugandha magaalada Kampala . Goolka : Waan kaaga hanbalyeynaynaa waa guul u soo hoyatay Soomaaliya warbixin kooban inaga sii qaabka diyaargarow ee CECAFA Senior Challenge Cup waqtiga uu furmayo iyo qaabka ay XSKC ay ugu diyaargaroobeen . C/qani: Ciyaarahan waa tartanka K/Cagta Qaramada Bariga iyo Bartamaha Africa magaalaga Kampala waxa uu ka furmayaa 31-ka December illaa iyo 13 January 2009 ayuu soconayaa waxaana Sponsor ka ah GTV , waxaa ka qeybgalaaya 11 Xul oo kala ah Sudan, Kenya, Zanzibar, Rwanda, Burundi, Tanzania, Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Somalia iyo Ugandha oo martigelinaysa , waxaa xauus mudan in lagu marti qaaday labo wadan oo kala ah Zambia iyo Saudi Arabia waxaa la filayaa in ay ka soo qeygalaan . Dhinaca haddii aan kaaga waramo qaabka diyaargarow ee XSKC waxa uu yahay mid si wanaagsan ku socda waxaa diyaargarow ama tababarkii ugu danbeeyay ku jira ciyaaryahanada xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliyeed oo xilligan ku sugan Djibouti tababar ayay halkaasi ku qaadanayaan ka dibna halkaas ayay kaga anbabaxayaan Kampala . Goolka : Ma jiraan ciyaaryahano biirinaaya Xulka Qaranka halkee ayayse ka kala imaanayaan . C/qani : Waa jiraan ciyaaryahano biirinaaya ciyaaryahanada ka tegay Soomaaliya waxaana jirta ciyaaryahano hore uga tegay Muqdisho iyo kuwo ka kala imaanaya wadamada England 2 , 2 Norway, 2 America, 2 Canada iyo 3 Switzerland . waxaan kuu sheegayaa in diyaargarow adag inuu jiro aanna ka rajeynayno ciyaartan CECAFA Senior Challenge Cup 2008 xulka waxaa hogaaminaaya Macalin . yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.commohamoudimad@hotmail.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |