Ciyaaraha |
GUDOOMIYA YAASHA ISKU HAYSTA XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE KUBADA CAGTA OO 12 BISHAAN KU KULMIYI DOONA SHIRKA CAFEShirarka gudi hoosaadyada kala duwan ee Caf oo ah mid sanadkiiba mar ay yeesheen dhamaan xubanah kala duwan ee ku jira gudi hoosaadyadaasi Caf ayaa wuxuu si rasmi ah u furmi doonaa 12-ka bishaan oo ku beegan maalinta jimcaha ah iyadoo shirarka ugu horeeya ay yeelan doonaan labada gudi ee ay ku kala jiraan Farah Zendiko iyo Said Muganbe. Shirarkaan kala duwan ee gudi hoosaadyada CAF iyo kan gudiga fulinta ee sanad laha ah ayaa dhamaan waxaa looga hadli doona waxyaabihii xiriirka CAF u soo qabsoomay, horamarka ay sameysa iyo waxyaabaha u qorsheysan iney ku tilaabsato iyo sidii sports afrika uu wax ula qeybsan lahaa aduunka intiisa kale. Farah sendiko oo bilihii ugu danbeeyay xarunta CAF ee Qaahira Fadhiyay isla markaan fadhigisii hore dib ugu noqday ayaa bilaabay olole uu dib garoomada ugu soo noqonayo markii ay FIFA xayiraadii ka qaaday isagoo markii aad wacdo kuu sheegaya inuu joogo xarunta xiriirka k/cagta qaarada afrika ee CAF. halka Said Mugaanbe oo maalmihi ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Qadar uu halkaa ka aadi doona Shirka gudigiisa ay Qaahir ku leeyihiin iyadoo isla maantay lagu wado inuu mugaanbe ka anbabaxo dalka Qadar, maalintii shalay aheyd oo aan telefonka kula xariiray Mugaanbe ayuu ii sheegay inuu mashquul yahay anigoo doonanyay in aan safarkiisa wax ka weydiiyo Shirka ugu horeeya wuxuu bilaaban doonaa 4-saac oo subaxnimo kaasoo ay yeelan doonaan gudiga kooxaha kaasoo oo uu xubin ka yahay Farah Zendiko, marka shirkaasi uu soo dhamaado waxaa la gali doonaa shirka gudiga (youth) dhalinyarada oo ah kan uu xubinta ka yahay Said Mugaanbe wuxuuna shirkooda bilaaban doonaa 8-duhurnimo iyadoo Muganbe uu gali doono hall-ka uu ka soo baxay Sendiko. Dhamaan xubnaha ka qeybagalay shirarka kala duwan ee gudi hoosaadyada CAF marka uu dhamaado ayaa shirka ugu danbeeya waxaa yeelan doona Gudiga fulinta oo ah kan ugu sareeya CAF kaasoo aysan Mugaanbe iyo Zendiko midkoodna uusan ku jirin gudiga fulinta ee CAF. CAF ayaa xubanaha kala duwan ee ku jira gudiyadaasi waxey markii uu dhamaado shirarkooda siin doonaataa lacago gunooyin ah oo looga talagalay xubnaha ka soo qeybgalay shirka sidoo kale waxa laga bixinayaa xubnahaasi Tickte,cunta iyo jiifka. hayeeshee markii la ogaaday in labada nin ee isku heysta hogaanka xiriirka k/cagta somali oo uu mid waliba goonidii u sheegto inuu madax ka yahay xiriirka qilaafka ka bixi la ayaa dad badini waxey is weydiiyeen in uu jiro hishiis hoose oo aan la ogeyn kaasoo dhex maray Zendiko iyo Mugaanbe oo ah in iyagoo labo gudoomiye ah ay shirka ka wada qeybgalaan ![]() ![]() yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |