Ciyaaraha |
Caf Iyo Somalia Oo Noqatay Meel Uu Maamusho Jerome ChampigneXiriirka kubadda cagta ee qaaradda africa ee Caf ayaa waxaa uu ka mid yahay Xiriirada sports ee hoos taga xiriirka FIFA kaasoo ay shaqadiisu tahay ka shaqeynta horumarinta sports qaaradda africa dhinaca kubadda cagta laakiin taasi ma dhicine waxeey noqtay meel uu si gaar ah u maamusho Jerome Champigne. marka la eego xiriirada kubada cagta ee qaaradaha kale ayaa waxaa ay arimahooda gaarka ah yihiin kuwo u madax banaan ka shaqeynta horumarinta cayaaraha dadalkooda iyo dhinac maamulada laakiin xiriirka qaaradda afrika ee CAF ayaan laheyn awood ay ku meel marin karaan go'aanadooda ay gaaraan ama ku dhawqid arimo horumarineed haba ugu darnaatee uruka cecafa ee bariga iyo bartamaha oo ay somalia ku jirto. wadamada bariga iyo bartamaha africa ayaa xiriiradooda oo ay ku jirto xiriirka k/cagta somalia waxaa si gaar ah u maamula ninka ka shaqeeya xafiiska gudoomiyaha FIFA ee Joseph Sep.Blater kaasoo ah Mr Jerome Champigne, Fifa secretary officer mr.champigne ayaa waxyaabaha lagu eedeynayo waxaa ugu weyn isaga oo xiriir toos ah la leh madaxda xiriirada dalalka qaarada afrika qaarkood isagoo ku fushada danihiisa dhaqaalle.tusaalle ahaan waxaa uu kala bar jeebka ku shubtaa lacagaha ay fifa ugu tala gashey xiriirada afrika isaga oo hadii aan la siin lacagahaasi ugu hanjaba inuu ganaax been ah saarayo hadii kale ay lacagahooda qeyb ogolaadaan isagoo u sheega in wax waliba oo ay FIFA ugu baahnaadaan uu u furdaamin doono. Dalalka uu sida xooga ah ee xaaranta ah uu ku heysto waxaa ka mid ah kuwaasoo uu ugu hanjabo in fifa ay gaxaaxeyso hadii aan danihiisa loo oofin xiriirada dalalka Kenya, Ethipia .Benin, murushios iyo xiriirka Somalia wuxuu si gaar ah ula saftaa qeybaha isku heysta xiriirka gaar ahaan kan uu dantiisa uu ka arko. Jerome Champigne ayaa wuxuu sal u yahay qilaafka aan dhamaadka laheyn ee xiriirka k/cagta somalia isagoo si gooni ah ula safan garabaha isku haya xiriika k/cgata somalia , wuxuu qeyb ku leeyahay lacagaha ay FIFA ugu talagashay Somalia u sheegaa garabka said mugaanbe in uu yahay kan kaliyaha ee ay FIFA aqoonsantahay. waxaa uu in badan xayirey dhaqaalihii horumarinta ee somalia loogu tala galey gaar ahaan mashruuca GOAL Project oo dhaqaalo fara badan ay fifa ku bixiso wallow somalia aysan lahayn masuuliyiin lagu amino karo iyadoo lagu tusaaleeyey halka uu marey dhaqaalihii yaraa ee la siiyay xiriirka taasoo si gaar ah loo maamushay iyadoo 9 bilood in ka yar uusan dhisneyn xiriirkii baydhabo lagu soo doortey. waxaan la inkiri karin in masuuliyiinta dhidibada u haya xiriirka CAF iyo kan Cecafa ay yihiin daba dhilifyo dantooda kaliya ka eegta urur weynaha FIFA halka xiriirada qaaradaha kale ay awood u leeyihiin in ay wax diidaan waxna doonaan, Sanadkii 2005 dalka morocco magaaladiisa Makalesh waxaa markii ugu horeysey lagu qabtey shirweynaha fifa oo ay xiligaasi xubno ka ahaayeen 205 wadan ajandayaashii laga hadley xiligaasi waxaa ka mid ahaa in xiriirka wadanka yaman la ganaaxo iyadoo cod loo qaaday waxaa 200 oo cod lagu ganaxay xiriirka yaman. laakiin todobaad ka dib waxaa la cafiyey xiriirka yaman ka dib markii uu muran uu soo kala dhex galey xiriirka asia iyo kan fifa ayna ugu danbeyn keentey in laga noqdo ganaaxasi,waxana ay taasi muujinaysaa in in xiriirada qaaradaha kale ay yihiin kuwo awood leh halka kan qaarada africa uusan ka daba hadli karin. hadaba arintu waxey tahay xiriirka caf iyo kuwa hoos taga ee cecafe oo ay somalia ku jirto ma waxey dan ugu jirtaa in aayahooda uu maamusho oo uu siduu rabo ka yeesho ninka ka shaqeeyay xafiiska gudoomiyaha FIFA ee champigne ?. yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |