MUGANBO OO KAJIIFTAY HOWSHII AY CAF KASUGAYSAY



Caf ayaa Gudoomiye Mugaanbe waxey ku soo qortay inuu xeer ilaaliye ka noqdo ciyaartii ay shalay galab wada ciyaareyn xulalka Erataria iyo Congo oo kulan ka tirsan isreebreebka under 17 Africa isku haleelay,waxaana Said Mugaanbe laga rabay inuu ciyaartaasi xeer ilaaliye ka noqdo isagoo ay shaqdiisa tahay inuu ciyaartaasi markii ay dhamaato uu warbixin guud oo ku saabsan ciyaartaasi inta diyaariyo uu u diro Caf.

hayeeshee taasi badalkeedii waxaa dhacaday inuu iska aaday dalka Qadar halkii laga sugayay shaqadii lagu haleynayay inuu aado,ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee Mr Mugaanbe ka baajisay shaqadisii walow ay warar kala duwan ay ka soo baxayaan baaqashadiisa.

Gudoomiye Mugaanbe ayaa safarkiisa uu muqdisho kaga soo baxay wuxuu ku soo maray magaalada Nairobi isagoo kaga sii gudbay dalka Qadar, meesha laga rabay inuu inta Dubai yimaado uu dalka Ertaria kaga sii gudbo ayuu ka baaqaday,wararka qaar ayaa sheegaya in Muganbe uu halkaa u aaday walaalkiisii oo dagan dalka Qadar.

kooxda dalka Erataria ayaa dhamaan tas-hiilaadkii ku bixi lahaa safarka Said Muganbe u dirtay laakiin sidii loo sugayay ayaa mar quraha waxaa laga war helay inuu baaqday iyadooo masuuliyiinta Erataria ay aad ugu xumaadeen baaqashada ul kaca ah ee uu sameeyay hogaamiyaha xiriirka somalia.

Said Mugaanbe ayaa wuxuu xubin ka yahay gudi hoosaadyada Caf mid ka mid ah gaar ahaan kan (Youth) dhalin yarada iyadoo sida sharciga Cafe uu qaban xubin waliba oo ka mid ah gudi hoosaadyada Cafe marka gudigiisa uu shaqo qabanayo xubanaha ku jira gidigaasi in shaqooyinka gudigooda loo qeybyo si loo fududeeyo howlaha Caf.

Caf ayaan haatan ka fakareysa tilaabada ay ka qaadan laheyd shaqo dayacida uu sameeyay Gudoomiyaha Xiriirka k/cagta somalia Said Mugnabe oo shaqadii lagu haleynayay si cudur daar la.aan ah ugu baaqaday isagoo iska fadhiistay dalka Qadar




yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta

Sifatu salaah

ka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo.


designed by Mdhinbil www.togga.org