Ciyaaraha |
Bolt oo Jabiyey Rikoodhka Orodka 100-ka Meter ee Ciyaaraha OlympikadaOrodyahanka u dhashay dalka Jamaica Usain Bolt, ayaa mar kale daah-fur ku sameeyey rikoodhka orodka ee masaafada 100-ka Meter, kadib markuu orod shalay ka dhacay garoomada ciyaaraha Olympikada ee Beijin uu ku dhammaystiray 9.69 (sagaal daqiiqo iyo 69 il-bidhiqsi). Bolt oo 21 jir ah, ayaa shalay wacdarro layaab leh ka muujiyey ciyaaraha orododa Olympikada ee ka socda magaalda Beijing ee dalka Shiinaha, kadib markuu jabiyey rikoodhka adduunka u yaalay ee orodka masaafadiisu dhan tahay 100-ka Meter, taas oo Bolt uu masaafo dheer ka goostay orodyahanadii kale ee ay tartanka ku wada loolamayeen. Haddaba, Bolt ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay rikoodhka cusub ee uu dhigay, taas oo waqtigii uu xaqiiqsaday guusha uu si farxad leh ugu dhawaaqay inuu yahay ninka adduunka ugu horreeya orodka xawliga ah. Bar-tilmaameedkaygu wuxuu ahaa inaan muujiyo inta uu le’eegyahay xawliga orodkayga iyo inaan guulaysto, sidaa daraadeed waxaan aad u farxay markaan arkay waqtiga aan ku dhammaystiray orodka, markaa waxaan u dabaaldegayaa guusha aan gaadhay. Bolt, ayaa noqday orodyahankii u horreeyey ee jabiya rikoodhka orodka 100-ka Meter ee ciyaaraha Olympikada tan iyo markuu Donovan Bailey uu ku orday waqti dhan 9.84 daqiiqo, raas oo ahayd ciyaarihii Olympikada ee sannadkii 1996-kii lagu qabtay magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka. Michael Frater oo ah saaxiibka Bolt ee ay u wada ordayeen dalka Jamaica, balse isagu galay kaalinta shanaad, ayaa sheegay in rikoodhka uu dhigay Bolt uu yahay mid aannay cidana u dhawaan karin. Sidoo kale, Bolt ayaa takhasuskiisa orodku uu yahay masaafada 200-Meter iyo isaga oo si weyn loogu tiranyo inuu ku guulaysan doono marka la isugu soo laabto toddobaadka dambe, taas oo uu hadduu ku guulaysto uu ku biiri doono orodyahanada ugu horreeya Olympikada ee ku guulaysta abaalmarinta orodka 100 iyo 200 ee Meter tan iyo markuu sannadkii 1988-kii uu rikoodhkaas dhigay orodyahankii caanka ahaa ee Carl Lewis. Si kastaba ha ahaatee, Bolt ayaa tababarihiisa 13 bilood kahor waydiistay inuu u ogolaado siduu uga qaybgeli lahaa orodka 100-ka Meter. Sidaa daraadeed, tababare Powell ayaa sheegay in Bolt uu muujiyiyey wacdaro aad u layaab badan, isla markaana tababaraha ayaa xusay in haddii ciyaartoygiisu si wanaagsan u qabsan lahaa xariiqda orodka uu waqti ka yar ku dhammaystiri lahaa orodkiisa. ![]() yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |