Shan Garsoore Afrikaan ah oo lagu daray 38-ka garsoore ee Haggi doona Koobka Adduunka 2010


Shan garsoore oo ka socda qaarada Afrika, ayaa loo magacaabay inay ka mid noqdaan 38 garsoore ee sida rasmiga ah u daadihin doona tartanka ciyaaraha kama dambaysta koobka adduunka ee 2010-ka lagu qaban doono dalka Koonfurta Afrika.

Garsoorayaal u dhashay qaarada Afrika oo tiradoodu dhan tahay shan, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay inay ku biiraan 38 garsoore ee loo doortay ciyaaraha koobka adduunka ee sannadka 2010-ka martigelin doonaan dalka Koonfur Afrika.

Sidaa daraadeed, shanta garsoore ee laga dhex doortay qaarada Afrika ayaa waxa ka mid ah Jerome Damon oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, Mahamed Benouza (Algeria), Coffi Codjia (Benin), Koman Coulibaly (Mali) iyo Eddy Maillet (Seychelles).

Haddaba, garsoorayaasha kale ee loo doortay maamulka ciyaaraha koobka adduunka, ayaa iyaguna waxay ka kala socdaan qaaradaha adduunka, iyadoo 14 garsoore ay ka socdaan Yurub, halka dalalka dacaladda ka xiga badaha kaliya laga magacaabay 2 garsoore, sidoo kale 5 garsoore ayaa laga magacaabay badhtamaha qaarada Maraykanka iyo shan garsoore oo ka socda qaarada Asia.

Si kastaba ha ahaatee, nidaamka xulashada garsoorayaasha haggi doona ciyaaraha kama dambaysta koobka adduunka 2010 ayaa lagu sal-jaray, iyadoo loo eegayo sifooyin badan oo ay ka mid tahay farsamada, dhisnaanta jidhka, hubsashada caafimaadka iyo cilmi nafsiga, isla markaana waxa lagu qiimeeyey kaalinta uu garsooruhu ka qaato ciyaaraha caalamiga ah.

Sidoo kale, nidaamkan oo kale ayaa loo isticmaali doonaa xulashada kama dambaysta garsoorayaasha hoggaamin doona ciyaaraha koobka adduunka, taas oo gebagebada natiijada liiska garsoorayaasha lagu dhawaaqi doono horraanta sannadka 2010-ka.

Ciyaaraha koobka adduunka, ayaa waxa markii u horreysay tiradii u badnayd ee garsoorayaal ka socda qaaradda Afrika ay ka qaybqaadan doonaan maamulka ciyaaraha koobka adduunka 2010-ka, kadib markay qaaradda Afrika saami u heshay shan garsoore oo si rasmi ah uga mid noqdon doona 38 garsoore ee ka socda qaaradaha adduunka intiisa kale.

Sidoo kale, dalka Koonfur Afrika ayaa noqon doona qoomiyadii u horreysay Afrika ee martigelisa tartanka ciyaaraha kama dambaysta koobka adduunka.




yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
mohamoudimad@hotmail.com.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta