Ciyaaraha |
Somalia iyo ciyaaraha Olombikada adduunka ee Beijing 2008Waxaa habeen hore si rasmi ah uga furmay caasimadda wadanka China ee Beijing ciyaaraha 29-aad ee Olombikada Adduunka, waxaana ciyaarahaas lagu furay xafladdii ugu weyneyd ee caalamka, iyadoo xafladaas ay ka soo qey galay dhammaan 205-dal ee xubnaha ka ah guddiga Olombikada adduunka oo ay Somalia ku jirto. Wadanka Somalia oo ku jira xaalad aad u adaga oo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ay ku sheegeen mid gumeysi ah ayaa Guddiga Olombikada Somalia ee GOS wuxuu ka dhabeeyay ballantii aheyd in ciyaarahaas aysan Somalia ka maqnaan, waxaana xalay caalamka oo dhan laga fiirsanayay Calanka Somalia oo ka dhex babanaya garoonka weyn ee Beijing National Stadium, iyadoo garoonkana ay ku jireen dad gaaraya 91,000 oo u badnaa dadka caalamka caanka ka ah, haddii ay ahaan lahaayeen SIyaasiyiin iyo Sportsyahano intaba. Guddoomiye ku xigeena GOS ee xiriirka Caalamiga ah (International Relations) Duraaan Axmed Faarax oo ay wehliyeen wafdiga iyo ciyaartooyda kale ee SOmalida ah ayaa calanka kula soo wareegay garoonka weyn, waxaana calanka oo ah mid aad u qurxoon la horkeenay indhaha caalamka oo bahda Sports Soomaaliyeed ku sheegeen in haddii Siyaasaddii ay wasaqeysantahay uusan Sports haleysneyn oo calanka meel kasta oo dhacdo Sports ah uu ka baban doono. Waa markii 7-aad oo Somalia ay ka qeyb gasho ciyaaraha Olmbikada Adduunka, waxaana kal hore Somalia ugu qeyn gashay sanadihii kala ahaa : 1972, 1988, 1992, 1996, 2000, 2004 iyo 2008, waxaana Somalia oo aan guulo waa weyn ka gaaarin ciyaarahaas sanadkan uga qeyb galaya laba ciyaaryahan oo Orodada ah oo kala ah C/Naasir Siciid Ibraahim oo ka qeyn gaadan doona Orodka 5,000 (Shanta kun ee midit iyo Shaadiyo Yuusuf Cumar oo Ordi doonta Orodka 200 (Labadad boqol ee Mitir), hase ahaatee weli lama soo sheegin maalinta ay ku qoran yihiin orodkooda, iyadoo la qiyaasayo in wixii 15-ka bisha ka dambeeya la soo dhajin doono. Haddii dhinaca kale aan idin barno wafdiga Soomaaliyeed ee ciyaaraha shirarkii iyo xafladihii furitaanka ka qeyn galay waxay kala yihiin 1) C/qaadir Inraahim Gacal Abkoow - Guddoomiyaha GOS 2) Aaadan Xaaji Yabaroow Wiish Ku xigeenka GOs 3) Duran Axmed Faarax ku xigeenka xiriirka dibada 4) Maxamuud Xuurshe Xasan ku xigeen 5) Prof. Maxamuud Cali Cadoow- ku xigeen 6) Khadiijo Aadan Daahir Madaxa ciyaaraha Fudud 7) C/naasir Siciid Ibraahim= Orodyahan 5,000- mitir 8) Shaadiyo Yuusuf Cumar- Oroyahanad 200 - mitir yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |