TARTAN KUBADA KOLAYGA OO LAGU MAA MUUSAYO MAALINTA NABADA ADUUNKA OO KA DHACAY EXLUUJINO


Munaasabadan oo ahayd maalinta nabada aduunka oo ku beegneed 21-Septemper oo qaarkood laga xusay gobolada dalka soomaliya ayaa magaalada muqdisho looga xusay si’wayn munaasabada malintaasi iyadoo lagadareemay xuskani qaybo kamid ah gudaha magaalada muqdisho .

Maalintasi ayaa waxa ay tahay mid si;wayn looga xuso caalamka hasa ahaatee soomaliya waxaa ka dhacay fantasiyo loogu talagalay maalintani iyo ciyaaro kala duwan sida kuwa hidaha iyo dhaqanka oo soomaliya sida aadka u wayn ay ugu caanbaxday iyo sidookale ciyaaraha fudud ,Booda dheer, iyo mida Baaskitka .

Ciyaarta ay dadka sida aadka ah u xiiseeynayeen ayaa waxa ay ahayd Baaskitka ama kubada koloyga kadib kulan ay yeesheen labada kooxood oo kala ah wiilasha Heegan iyo Al-Shacab tasoo ay ahayd mida sida aadka ah isku soo abaabuleen Hey’adda isku xerka dhalinyarada soomaaliyeed ee INXA iyagoo kaa shanaya xiriirka soomaliyeed ee kubada koloyga.

Kulankaani oo ahaa kulan aad u xiisa galiyay dadkii u soo daawasho tagay ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socota xiriirada kala duwan ee ka dhisan dalka soomaliya.

Ciyaartani oo loogu talagalay Munaasabada Maalinta Nabada aduunka ayaa waxa labadii kooxood oo ku nkulansanaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar si’wayn loo jecleesto islamarkaasina ku soo gaba gaboowday jawi aad u wanaagsan iyadoona guusha ay raacday kooxda kubada koloyga ee HEEGAN oo keentay dhibco gaaraya 43 dhibcood halka kooxda kale ee lga adkaaday ee AL_SHACAB ay keensatay dhibco gaaraya 35 dhibcood .

Tartankani ayaa ahayn midkii ugu horeeyay ay qabtaan xiriirada kala duwan ay ka jira dalka soomaliya iyaga oo kaa shanaya hay’adda INXA iyadoo tartamada ceenkaan oo kala ah la sheego in xiriirka kaliya ay qabanjireen .







yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta