Ancelotti oo Daaha Ka Rogay In xirfadiisa u guurin doono Qaarada Afrika iyo LIISKA 30 CIYAARTOOY OO LOO SOO XULAY LAACIB TINIMADA YURUB


Tababaraha kooxda Milan Carlo Ancelotti ayaa sheegay in marka ay ka dhamaato shaqada uu ka hayo kooxda Milan uu uga digo rogan doono dhanka Qaarada afrika.

Ancelotti ayaa sidaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Milano, waxaanu intaasi ku daray in uu shiishka saaray sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa xulalka ka dhisan qaaraada Afrika oo ku tilmaamay in ay yihiin qaar uu si fiican uga helay ciyaarahooda.

Hadaba mar uu ka hadlayay bal meesha uu xirfadiisa tababarenimo ula guurayo haddii uu ka tago kooxda Milan ayuu sidan Yidhi Marka ay iga dhamaato shaqada aan ka hayo milan , waxaan gacanta ku dhigi doono xul ka mid ah xulalka qaarada afrika. Halkaas ayaan doonayaa in aan macalin ka noqdo qaarada afrika halkaas oo aan u arko in aan xirfad dheeraad ah ka soo baran doono,

Tababare Ancelotti isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray in xulka dalka Talyaaniga oo uu tababare ka noqdo uu kaga kalsoon yahay xulalka qaarada afrika oo uu ku tilmaamay in ay isaga la wanaagsan yihiin.

Ugu danbayntiina waxa uu ishaartay in labada xul ee Camaroon iyo Nigeria ay yihiin kuwa mar walba maskaxdiisa ku jiray waxaanu yidhi waxa mar walba maskaxdayda ku jirta in aan macalin ka noqdo labada xul ee Nigeria iyo Cameroon


LIISKA 30 CIYAARTOOY OO LOO SOO XULAY LAACIB TINIMADA YURUB


Waxaa shalayto lagu dhawaaqay liiska 30 ciyaaryayahn oo midkood ku guuleysan doono kubada dahabka «Ballon d'Or» oo uu sanad kasta bixiyo wargeyska France Football.

Laacibiintan 30 gaaraya waxaa si gooni ah ugu dhex muuqda oo sanadkan loo saadaalinayaa inuu ku guulesyan doono xidiga Manchester United Cristiano Ronaldo iyadoo la rumeysan yahay inuu ku xigsan doono Messi inkastoo kaalinta 3aad ay ciyaaryahano badan isku dhegen yihiin.

Xaflada abaal marintan lagu bixinayo ayaa dhici doonto 2da bisha Disembar hadii Alle idmo iyadoo markii ugu horeysay tan iyo 1999kii aan liiskan lagu arkin xidiga weyn Thierry Henry.

Dalka Spain ayaa ugu badan wadamada ciyaaryahanada ugu badan ay ka yimaadeen iyadoo 7 ka mid ah ay reer Spain yihiin halka Brazil ay hal ciyaaryahan oo keliya ku leedahay inkastoo Marcos Senna iyo Pepe oo hada heysta dhalashada dalalka Spain iyo Bortoqiiska sida ay u kala horeeyaan ay asalkooda uu Brazil yahay.

Horyaalada dalalka Spain iyo Ingiriiska ayaa min 11 ciyaaryahan ku leh halka dalka Talyaaniga ay 3 ciyaaryahan oo keliya liiskan kaga jiraan.

Waakan liiska 30 ciyaaryahan oo uu midkood noqon doono ciyaaryahanka sanadka Yurub:

Emmanuel Adebayor
Sergio Agüero
Andrej Arsjavin
Michael Ballack
Karim Benzema
Gianluigi Buffon
Iker Casillas
Cristiano Ronaldo
Didier Drogba
Samuel Eto'o
Cesc Fabregas
Fernando Torres
Steven Gerrard
Zlatan Ibrahimovic
Kakà Frank Lampard
Lionel Messi
Pepe
Franck Ribéry
Wayne Rooney
Marcos Senna
Sergio Ramos
Luca Toni
Edwin van der Sar
Rafael van der Vaart
Ruud van Nistelrooy
Nemanja Vidic
David Villa
Xavi
Youri Zhirkov




yuusuf x.x.yusrifuuda
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya



back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta