Guddida qabanqaabada koobka adduunka oo ku adkaystay inay waqtigii ay ugu talagaleen ku dhamaystiri doonaan garoomada lagu ciyaari doono


Madaxa sarre ee fulinta guddida qaban-qaabada ciyaaraha koobka adduunka ee sannadka 2010 lagu qaban doono dalka Koonfur Africa Danny Jordaan, ayaa ku adkaystay in dalku diyaar u yahay watigii loogu tallogalay martigelinta ciyaaraha kama dambaysta koobka adduunka.

Guddida qaban-qaabada koobka adduunka ee dalka Afrikadda Koonfureed, ayaa ku adkaystay in dalku si wanaagsan ugu diyaargaroobay waqtigii loo qorsheeyey martigelinta tartanka ciyaaraha koobka adduunka, sidoo kale guddida ayaa gashaanka ku dhufatay hadalo aan sal iyo raadtoona lahayn oo xusaya in dalka Jarmalka looga diga-rogan doono martigelinta tartanka.

Sidoo kale, Jordaan ayaa shaaca ka qaaday in hadaladaasi aanay lahayn kuwo xaqiiqda salka ku haya, isla markaana wuxuu tilmaamay in kadib booqashada labaad ee madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta adduunka Sepp Blateer ku yimaado Koonfur Afrika uu arki doono waxyaallo layaab leh oo kaduwan jawi ka duwan booqashadiisii hore.

Waxaanu ku suganahay waqtigii loogu tallogalay martigelinta ciyaaraha koobka adduunka, sidaa daraadeed ma jiraan dib-u-dhacyo ku yimi hab-sami-u-socodkii dhismaha garoomada kubadda cagta, sidaa daraadeed marka labaad ee Blatter booqasho ku yimaado Koonfur Africa, ayaa waxaanu indhihiisa u saari doonaa horumarka baaxada le’eeg ee aannu qabanay.

Si kastaba ha ahaatee, Jordaan ayaa ku adkaystay in fikirka sheegaya in dal kale loo rari doono martigelinta koobka adduunka.

Wuxuu intaa ku daray Lagama yaabo in dal kale loo raro martigelinta koobka adduunka, iyadoo waqtiga gaaban ee ka hadhay muddada ciyaaaha aannay suurtogal ahayn in dal kale martigeliyo tartanka, xataa dalka Jarmalka, sidaa daraadeed dhammaan garoomada ciyaaruhu ka dhici doonaan, ayaa waxa la diyaarin doonaa gebagebada bisha October ee sannadka 2009.

Dalka Koonfur Africa, ayaa dhisi doona shan garoon oo cusub si ay u martigeliyaan ciyaaraha tartanka koobka adduunka, iyada oo la qorsheeyey in dayac-tir lagu sameeyo shan garoon oo kale, taas oo lacagta ku kacaysa ay gaadhayso in ka badan 9.8 billion oo lacagta dalkaas ah una dhiganta $1.2 billion.




yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta


designed by Mdhinbil www.togga.org