Blatter oo ku baaqay in xiiso loo yeelo 2010


Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter ayaa ku booriyay Koonfur Africa in ay si xiiso leh u suuq geyso ciyaaraha Koobka kubadda cagta adduunka ee ay martigelinayaan sanadka 2010.

Sepp Blatter oo booqanayay waddanka Koonfur Africa ayaa waxa uu sheegay in aan laga dareemeyn waddankaasi in sanad kadib xiriirkooda Fifa uu ku qabanayo koobkii adduunka.

Africa waxay u baahan tahay in ay dunida u sheegtaa inay diyaar u tahay inay marti geliso ciyaaraha"

Blatter ayaa waxa uu ku baaqay in la sameeyo olole badan oo xagga xayeysiinta ciyaaraha 2010 ee adduunka, taasi oo uu sheegay in uu la soo qaaday dadka deegaanka ee qabanqaabada wada.

Madaxweynaha Fifa waxa uu yiri ma ahan oo kaliya in boorar lagu sameeyaa Koonfura Africa oo keliya, balse meel kasta oo dunida ku taal.

Goobaha uu booqashada ku tagay waxaa ka mid ah garoomada ay ciyaaraha ka dhici doonaan, isagoo sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Koonfur Africa Thabo Mbeki, iyo Madaxweynihii hore Nelson Mandela, iyo hogaamiyaha xibiga ANC Jacob Zuma.

Blatter waxaa uu madax weynaha dalka sooth Africa ka cod saday inuu siwanaag san u adkeeyaan amaanka garoonada lagu ciyaari doono koobka aduunka sanada 2010




yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta


designed by Mdhinbil www.togga.org