Ciyaaraha |
XIRIIRKA SOMALIYEED EE KUBADDA CAGTA OO DADAAL DHEERI AH UGU JIRA SIDII UU UGA FAAĆDAYSAN LAHAA DHALINYARADA SOMALIYEED EE QURBA JOOGGA AH.Guddoomiyaha XSKC Sacid Mugambe iyo guddiigiisa fulinta ayaa waxay dadaal dheeri ah ugu jiraan sidii ciyaarta kubadda cagta ugu fidin lahaayeen dhammaan gobolada dalka Somaliya uu ka koban yahay iyagoo booqasho ku soo kala bixiyey ilaa iyo hadda 10 gobol. Xiriirka oo u sii dheer in ay maanta ku dhaqaaqeen la xiriiridda dhalinyarada Somaliyeed ee qurba joogga ah si ay uga qay galaan tartamada caalamiga ah ee Afrika. Dhalinyarada qurbaha ku nool ilaa iyo hadda bilow fiican sameeyey ayaa waxaa ka mid ah wiilka da`da yar ee uu dhalay garsooraha Calamiga FIFA ee Cadulqadir Caddaay, waa Cabdisalaam Cabdulqadir Caddaay una ciyaara xulka qaranka 16 iyo 17 jirada dalka Norway iyo kooxda Manchester City. Cabdisalaam Cadulqaadir Caddaay ayaa wuxuu marti qaad ka helay Guddoomiyaha Xiiirka Somaliyeed ee kubadda cagta Sacid Mugaambe si uu uga qayb galo tartatanka qaramada bariga iyo bartamaha afrika ee dhalinta da`dooda ka hooseysa 17jir, ee ka dhici doona dalka Burundi. Dhiiri gelin fiican ayey ii tahay in la igu marti qaado tartankan anigoo metalaya dalkayga hooyo ayuu yiri inankan yar ee Cabdisalaam Caddaay. Waxaanse aad uga xumahay in aan ka qayb geli karin tartankan, saabtoo ah bisha Agost waxaan ciyaarayaa isreebreebka ciyaaraha Yurub iyo iyadoo ay ii bilaabanayso casharadii iyo tababarkii ugu horeeyey ee aan la qaadan lahaa kooxda Manchester City ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdisalaam Caddaay. Mustaqbalka haddii aan heer fiican ka gaaro ciyaarta kubadda cagta waxaan ballan qaadayaa in aan wax weyn u qabto dalkayga iyo dadkayga laadaba ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Cabdisalam Caddaay. Waxaan mahad gaar ah iyo hambalyo u soo jeedinaynaa XSKC sida ay isugu hilqaameen in ay ku dhiiri geliyaan dhalinta soo koreysa ee somaliyeed ayuu yiri aabaha dhalay Cabdisalaam Caddaay oo ah rug caddaa iyo qaiir sport. yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |