Ciyaaraha |
MAAMULKA UEFA OO KA XANIBAY 2 CAYAAR IN AYNAN KU CAYAARIN GURIGOODA KOOXDA ATLETICO MADRIDMaamulka UEFA ayaa ku dhawaaqay in kooxda Atletico Madrid aysan ku cayaarin garoonka gurigooda labada cayaar ee ugu soo horayso, taas ay la yeelan lahaayeen kooxaha tartanka Champions League-ga ku soo aaday. Iyadoo cayaartoodii ugu horaysay asbuuca soo socdo 22 Oct, 2008 ay la lahaayeen kooxda Liverpool FC. Xanibaadaan ayaa ka danbaysay kadib mar ay taageerayaashoodu buuq iyo dagaal ku sameeyeen cayaartii ay kol hore la yeesheen kooxda Marseille. Waxaana lagu xukumay in meel ugu yaraan u jirta 300 kilometres garoonka gurigooda uun loo ogolyahay in ay kula dheeli karaan labada cayaar ee ugu soo horayso ee Champions League-ga kooxaha ku soo aado. Kooxda Atletico ayaa qodobada ganaaxa kooxdooda ku dhacay lagu macneeyay in uu ka danbeeyay Aadaab iyo Discipline xumo, cayaartii ay la yeesheen kooxda Marseille taariikhdu markay ahayd 01 October, 2008, taas oo taageerayaashoodu ku xadgudbeen taageerayaasha kooxdii ka soo hor jeeday ee Marseille, sidoo kale waxaa lagu ganaaxay ganaax lacageed oo gaarayay 150,000 Euros, xasilooni darada ay garoonka ku sameeyeen aawgeed. Waxaana lagu war geliyay hadii ay rabaan in go’aanka ganaaxooda ay appeal ka qaataan kooxdan Spanish-ka ah, in ay qoraaladooda gaarsiiyaan xafiiska u xilsaaran dacwooyinka ku wajihan UEFA, intaan la gaarin duhurnimada maalinta Jimcaha bishu tahay 17 October, 2008. Af hayeen u hadlay kooxda ay cayaarta ugu horayso la cayaari lahaayeen ee Liverpool ayaa yiri "Taageerayaaha kooxdeena welwel ayay ku abuurtay go’aanka ay gaartay UEFA. Waana in ay sida ugu dhaqsaha badan noogu soo sheegtaa UEFA garoonka la go’aamiyay in lagu cayaaro cayaartaas, si aan ugu gudbino taageerayaasha kooxdeen." Maamulka kooxda Liverpool waxay u qoreen waraaq ku socota UEFA, kuna cadaynayaan dhibka ka haysta ogaanshaha garoonka ay kula cayaari lahaayeen cayaarta Champions League-ga asbuuca soo socdo kooxda Atletico Madrid. "Xataa hadii ay hada shaaciyaan garoonka loo bedelay, waxaan dhihi karaa waa mid lala daahay, oo aan wax badan oo faa’iido ah u lahayn taageerayaasheena. Waxaan haynaa in ka badan 3,000 oo taageerayaal ah, oo horay u goostay tikitkii diyaarada ay ku tagi lahaayeen ama Basaskii iyo Hoteeladii ay degi lahaayeen, una diyaar garoobay cayaarta daawashadeeda. Marka go’aanka ah in lagu cayaaro cayaarta meel u jirta garoonka Atletico Madrid 300 kilometres wuxuu taageerayaasheena ku noqonayaa carqalad aad u wayn oo ka baxsan ku talagalkoodii. "UEFA waa in ay ku tala gashaa dhibka ka imaan kara, markii ay go’aan sidaan oo kale ah gaarayso." ayuu yiri Liverpool chief executive Rick Parry. yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |