Xiriirka Kubada cagta Soomaaliyeed ma ahan mid jira ama u shaqeeya sidii la rabay


War dhawaan ku soo baxay website-KA Somalis oo ku saabsanaa hadal u sii daayey kabtankii xulka qaranka Soomaaliya ka hor xornimada mudane Mohamed Khalaf ‘’ kabtan Shangole warkaas oo ku saab sanaa sida foosha xun ay u dhaqmeen kuwa isku sheega inay yihiin maamulka xirirka Soomaaliyeed ee Kubbada cagta ayaa ah mid laga xumaado, eedaynta u soo jeediyey rug cadaa Soomaaliyeed oo magac iyo sharafba ku leh taariikhda kubbada cagta Soomaaliya.

Hadaba aqristoow ma ahan mid ahan mid la yaabo dhacdadan iyo kuwa kale oo badan waayo hadaa eegto raga maamula xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta waa kuwa ku yimid qaab foolxun, taas oo ay sababteeda leedahay dowlad la’aanta ama maamul la’aanta ka jirta dalkeena Soomaaliya, taas oo ay sababeen dagaalada Sokeeye.

Maxay yihiin raga maamula XSKC?

Ragakan ayaa ah kuwa la mid hogaamiye kooxyadii dalkeena isbaarada dhigtey kadib markii ay ka baxday dowladii hore ee Soomaaliya, ragakan ayaa afkooda laga hayaa inay ku yimaadeen qaab beeleed ama isbaaro, waayo sida ay ku qayb sadeen hogaanka maamulka ayaa ah mid ku dhisan qadkii cagaarnaa ee caasimadii Soomaaliya ama hooygii ilbaxnimada Soomaaliya ee Muqdisho laga dhigay markii ay isku qabsadeen awooda ama talada magaalada.

Waxaan maqlaa isboortiga ayaa qadkii cagaarnaa badalay kadib markii rag hore oo ka shaqayn jirey maamulkii isboortiga ee dalkeena ee burburey ay isku dayeen inay jawiga Xamar ku badalaan walaalayn , iyagoo umaraya habka cayaaraha.

Ragii arinkaasi suurtagaliyey oo mudan in la xuso wax qabadkoodii ama fikirkii wanaagsanaa ay u maareeyen arinkaas, hadana waxaa soo ifbaxday in ragaasi ay isku khilafaan dhaqaalo yar oo ka soo gala FIFA, taas oo sababtey inay meesha la wareegaan dad aan aqoon iyo kartiba u lahayn inay qabtaan maamulka XSKC, kuwaas oo ah kuwa hada maamula XSKC oo aan aniga u aqaan XKXX( xirirka kubbada xaafadaha Xamar)waayo XSKC ma ahan mid jira oo u jira mid maamul ku dhisan aqoon isboorti iyo mid Soomaalinimo, wax kastana waxaa loo maraa mareynta cadaalad darada iyo nin jeclaysiga, iyadoo aad ka garan karto qaabka ay u mareeyan ka qayb galka tartanada caalamiga ah,iyagoo mar walbo u magacaaba maamulo aan jirin, markastana ku andoocada inay un uga qayb galaan inay calanka Soomaaliya geeyan garoomada caalamiga, waxaa is waydiiyey 18 sano ka qayb gal calan gayn ah oo ceeb ah ma dhaantoo iyadoo laga qayb galin.

Waxaa caado u ah ragakan inay sameeyaan waxyaabahaan hoos ku qoran:

Ciyaartooydii hore eek u nool Soomaaliya eek u nool Muqadisho wax tixgalin ah kuma laha ,waxayna gaajo la hoos joogaan geedaha hoostooda, iska daa kuwa gobalada dalka ku nool, kuwaas oo qarankeena ama naadiyadii Soomaaliya ka tirsanaa.

Dadkii ka shaqayn jirey wasaarada isboortiga ama naadiyada kooxaha wax shaqo ah ma aysan siin iyagana aqoontooda ayay la fadhiyaan jardiinooyinka burbursan.

Garoonka kubbada cagta Tigree baa haysta kamana hadlaan.

Gobalada dalka ayay xaqireen iyagoo Film aan jirin ku dhigay magaalada jowhar kadibna kaga soo dhuuntey dadkii u suurta galiyey qabashada tartankaas.

Kismaayo , J/dhaxe iyo Gedo waxay tartan heer sare ku qabteen magaalada Kismaayo, iyagana wax gacan ah kama aysan gaysan.

Xulka qaranka Soomaaliya waxay u maamulaan sidii ciyaal ku dheelaya suuqa xoolaha oo kale halkii la rabay inay kala tashtaan dadka wax ka qaban kara soo noolaynta kubbada cagta Soomaaliya. Xamar lagama dheelin 4 sano tartan kubbada cagta ah, iska daa kii dagmooyinka, tii Schoolada,iyagoo gabay hirgalintaas ayay u boodeen inay indho sarcaad u dhigeen Fifa iyo Caf si ay xoogaa beeso ah uga shubtaan .

Ugu dambayntii waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay si cad uga hor yimadaan kuwa caadeystey inaysan wax u qabanin dalka ee raba magac, darajo iyo lacag si fudud lagu helo. Gobalada dalka waxaa laga doonayaa ciyaartooyda joogta inay dhistaan maamuladooda kadibna horumariyaan ciyaaraha iyagoo ka soo bilaabaya xaga hoose ee caruurta iskoolada, iyagoo u bandhigaya dadka ku nool meelaha ay joogaan ,codsina waydiisanaya jaaliyada Dibada.

Anigana waxaan idin balan qaadayaa anigoo ku hadlaya magaca saxaafada Soomaaliyeed ee Isboortiga inaa arinkiina gaarsiiyo oo hordhigo FIFA,CAF, waxaas oo dhana waxaa ka horeeya in dadka Soomaaliyeed fahmaan waxa dalkeena dib u dhaca gaarsiiyey taas oo ah maamul xumo iyo iyadoo aaan runta la abaarin, hada waxaa la joogaa xiligii isboortiga Soomaalida si sax ah oo ku dhisan cadaalad loogu qaybin lahaa gobalada dalka oo dhan ,iyadoo la gaarsiinaayo ilaa qurbaha waayo qurba joogta wax badan ayay ka qaban karaan horumarinta iyo dib u soo noolaynta isboortiga Soomaaliya, waa in laga midoobaa nin jeclaysiga iyo waji ka gabadka ku dhisan gadaal ka hadalka.




yuusuf xuseen
yuusuf504@hotmail.com
Info@goolka.com
Goolka Muqdisho,Somaliya


back

User Login

Password:

Wararka

Xayeysiinta


designed by Mdhinbil www.togga.org