Ciyaaraha |
Xulka Qaranka K/Cagta Oo Manta U Ambabaxay Tartanka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika iyagoo Tababarkusii qaadanaya wadanka Djabouti ![]() Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa u amabaxay ka qeybgalka tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qaban doono magaalada Kampala ee dalka Ugandha (CECAFA/Kampala Senior CHALLENGE CUP 2008) , Wafdiga xulka qaranka ayaa waxaa.. Xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa u amabaxay ka qeybgalka tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qaban doono magaalada Kampala ee dalka Ugandha (CECAFA/Kampala Senior CHALLENGE CUP 2008) , Wafdiga xulka qaranka ayaa waxaa kulan lagu sogootinayay wuxuu ka garoonka Adan Cadde waxaana halkaasi ka hadlay mas`uuliyiinta xiriirka oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Saciid Mugaanbe , wuxuu tibaxay sida loogu baahan yahay in la dhowro sumcadda isboortiga Soomaaliyeed iyo Guul loo soo hoyo dalka . Ciyaaryahanada ka qeybqaadanaysa Tarkan ayaa muddooyinkan danbe ku tababaranayay garoomo ku yaala Muqdishu , iyadoo ay sanadkaan ka muuqdaan xulka Qaranka ciyaaryahano la dhihi karo waxay u qalmaan inay matalaan dalkooda hooyo . Macalinka Xulka Qaranka Macalin Geelle ayaa xulka uga sii horeeya dalka Jabuuti . Goolhaye Tahliil ayaa Website-kan inta aanu ka duulin Muqdisho Airport ayaa wuxuu sheegay inay rajeynayaan in ay Guul ka soo hoyaan Koobkan CECAFA 2008 ee ka dhici doona Kampala . Guddoomiyaha XSKC Saciid Mugaanbe ayaa isaga inoo xaqiijiyay in ciyaaryahanada ka degi doonaan dalka Djabouti tababar ku qaadan doonaan muddo kooban oo dhowr maalmood ah ka dibna ay ka qeybqaadan doonaan tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2008 Kampala . yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.commohamoudimad@hotmail.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |