Ciyaaraha |
Guddoomiyaha xiriirka shataranjiga Soomaaliya oo ku eedeeyay dowladda federalka xir xirashada shaqsiyaadka isboorti.Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Dr. Axmed Cabdi Xasan Wataac ayaa maanta oo Isniin ah ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliyeed in ay si sharci darro ah ku xiratay shaqsiyaad isboortiga qaranka ka trirsan. Tani waxaa ay ka mid tahay caburinta dhaq dhaqaaqyada Isboortiga Soomaaliya,waxaana ugu baaqaynaa dowladda federalku in ay raali gelin ka bixiso xarigii loo geystaqy labo ka mida qorayaasha waaweyn ee Isboortiga Soomaaliya ayuu yiri gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Dr Axmed cabdi Xasan Wataac oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho maanta oo isniin kula yeeshay Goor sii horeysay dowladda federalku waxaa gobalka Hiraan ay ku xir xirtay masuuliyiin Isboorti iyadoo lagu eedeedyay in ay guddi doorteen iyagoo aan la socod siin maamulka gobalka,taasina waxaa ay ahayd qalad weyn ayuu guddoomiyuhu yiri mar kale. Isboortigu ma lahan xuduudo,diin wax shaqo ahna kuma lahan maamulada dowladeed,sidaa daraadeed waxaanu dalbanayna in dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalada Soomaaliya gaa rahaana dowladda ku meel gaarka ah ay u ogolaadaan shaqsiyaadka Isboorti in shaqadooda ay si xor ah u gutaan ayuu guddoomiyuhuu inta ku sii daray. Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjigu waxaa uu ku soo beegmayaa maalmo kadib markii ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay xabsiga dhigeen guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse Moxamed Cusmaan iyo Shaafici Muxuyadiin ABuukar Islow. Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Shataranjiga Dr Axmed Cabdi Xasan Wataac waxaa uu sheegay in ay gef tahay in xabsi la dhigo shaqsiyaadkan oo kale oo habeen iyo mmaalinba isku howla in ay caalamka u ban dhigaan wararka Isboortiga dib u soo noolaanaya ee Soomaaliya,kadib muddo17 sandood ka badan oo isku dhacyo hubeysani ay si weyn u wax yeeleeyeen dalka geeska Afrika ku yaala Soomaaliya. yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |