Ciyaaraha |
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo dalladaha wax barashada oo isku afgartay in iskuulada lagu soo daro maadooyin kubada cagta ah.kulan kula qaatay madax ka kala socotay dalladaha wax barasho ee ka jira dalka Soomaaliya. kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa looga dooday ilaa iyo lix qodob oo dhamaantoodba ku aadanaa is waafajinta shaqada iskuuladu wadaan iyo tan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,iyado muhiimaduna ay tahay in iskuulada dalka maadooyinka lagu dhigo lagu soo daro maadooyin kubada cagta Daladaha wax barasho ee kulankaa wakiilada usoo dirsaday waxaa ka mid ahaa: Safe,Sofen,Sofel,Sofe iyo Fembs,waxaana suuragal ay u noqon weysay wakiiladii dalada FPENS in ay madasha kulanka yimaadaan sababo la xariira xaaladaha ad adag ee magaalada Muqdisho ay ku sugan tahay. Gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe ayaa masuuliyiinta daladaha wax barashada kaga mahadceliyay sida wanaagsan oo ay u aqbaleen marti qaadka Xiriirka iyo sida ay u muujiyeen in ay diyaar u yihiin in la mataaneeyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo bahda wax barashada isla markaana la yeesho wada shaqeyn joogto ah. Waan la soconaa in aad ku dhex shaqeysaan dal dhib badan oo xaalado nololeed oo aad u ad adagi ay ka jiraan,waana idinku bogaadineynaa howshaas aad u heysaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed"ayuu guddmiyaha kubada cagtu ku yiri wakiilada daladaha wax barasho ee kulankaa maanta kasoo qeyb galay. Naftiina ayaad u hurteen in aad dhistaan aqoonta dalka,sidaas oo kale ayaana idinka dooneynaa in aad nagala shaqeysaan dhismaha kubada cagta ee iskuulada"ayuu mar kale yiri guddimiyaha oo intaa raaciyay in isbortiga Soomaaliyeed lagasoo dhisay markiisii hore iskuulada sidaa daraadeedna uu xiriirku hada muhiimada koobaad siinayo dhismaha kubada cagta ee iskuulada dalka guud ahaan oo laakin howshaasi marka hore ay ka bilaabaneyso magaalada Muqdisho kadibna dalka oo dhan lagu faafin doono maadaama daladuhu ay maamulaan iskuulada dalka ku yaal oo dhan. Ardayda iskuuladu waa kuwo aan lahayn wax balwad ah ,sababto ah waxaa ay ku jiraan gacanta waalidka iyo tan macalinka,waxaana doonaynaa dadkaas jirkoodu caafimaadka qabo in aan ku bar baarino kubada cagta si mustaqbalka ay calanka Soomaaliya ugu difaacaan kulamada caalamiga ah ee kubada cagta"ayuu mar kale yiri guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Siciid Mxamuud Nuur Mugaabe Waxaa sidoo kale halkaa ka hadlay xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in kubada cagta iyo dugsiyadu ay yihiin mataano ka wada shaqeeya arrimaha bulshada. Adinku waxaad gacanta ku heysaan oo aad wax bartaan dadka da’doodu u dhexeyso 6-jir ilaa iyo 30 jir anaguna waxaan gacanta ku heynaa 12 jir ilaa iyo 35 jir oo cayaartoyda ah iyo macalimiinta iyo garsoore yaasha oo iyaguna da’ ahaan u dhexeeya 35 ilaa iyo 50 jir,sidaa daraadeed xiriirka kubada cagta iyo bahda wax barashadu waa labo shaqadoodu isku xiran tahay oo aan kala maarmin"ayuu yiri xoghayaha gudu ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab oo munaasabadii maanta ka hadlay. Waxaan idinkaga mahad celineynaa boqolaallka kun ee dhalinyarada ah oo aad iskuulada ku heysaan,oo hadii aadan gacanta ku heyn waxna barin xaaladaha hada dalka ka jira ay sidan ka sii xumaan lahaayeen sababtoo ah dhalinyarada intaa tiradoodu la egtahay hadii ay ciyaal suuqoobaan waxaa ay ugasii dari lahayaene amaan darada dalka ka jirta"ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayuhu. Wakiilada ka socday daladaha wax barasho ee dalka ayaa dhankooda balan qaaday in ay iskuulada kusoo darayaan wax barashada kubada cagta si xiriirka iyo bahda waxbarashadu isaga kaashadaan dhiancyada dhismaha aqoonta,is dhexgalka bulshada,iy nabad kusoo dabaalida dalka iyadoo loo marayo aqoonta iyo kubada cagta oo ah tan ugu shacbiyada badan noocyada kala duwan ee cayaaraha isboortiga. Labada dhinayc ayaa ku balamay in la isugu yimaado kulan kale muddo laba todobaad gudohood ah si wixii qabsoomay lays kula arko ![]() yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |