Ciyaaraha |
Qorshaha xiriirka kubada cagta ee ku aadan tar tanka 18 -aad ee kubada cagta gobolada dalka mid laab lakac ah oo u muuqda waan socon weynaye aan orodno.Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta wuxuu soo maray marxalado kala duwan , laga soo bilaabo sanadkii 1998 kii xiligaas oo ay fifa soo bandhigtay in sanad walbo 250 kun oo dolar ay siineyso 200 xiriir oo waqtigaas u diiwaan gashanaa, waxaa hoos goojayaashii gudoomiyaha xiriirka md. Faarax Sindako ku dhashay u hanqal taaga gacan ku dhigida lacagtaasoo keentay in ay dhacaan 6 afgambi 1998 --2007,kuwaas oo qaar ka mid lagu guuleystay halka kuwo kalana lagu fashilmay. Xiriirka kubada ee haatan oo ka soo unkamay afgambigii 6 -aad eeugu dambeeyay ee dhacay 12 kii maarso 2007 ayaa 11 bilood jirkiisii ka dhawaajiyay in uu qabanayo tartanka 18 aad ee kubada cagta gobolada 20 ka febraayo 2008, taas oo dad badan oo aqoon u leh isboortiga xog ogaalna u ah xaalada uu xiriirka ku sugan yahay ula muuqata riyo maal meed aan soconeyn iyo qorshe aan laga fiirsan. Xiriirka kubada cagta sanadkii aynu soo dhaafnay ee 2007 ma uusan qaban wax tar tan ah sida, tar tanka degmooyinka gobolka banaadir , tar tanka dugsiyada, tar tanka jaamacadaha, tar tanka koobka jeneral daa 'uud iyo tar tanka horyaalka qeybihiisa kala duwan serie C, B, A, inkastoo uu ka qeyb galay tar tamo dibada ah kuwaas oo ah ilaa iyo 1993 kii ahaa muhiimada koowaad ee xiriirka laguna dawarsi tagi jiray ,haatana lagu bisleysanayo 250 ka kun ee FIFA. Si wax badan loo ogaado aan akhristayaasha iyo aqoon yahanada isboortiga u soo bandhigo xogta dhabta ah si ay u taageeraan ama uga soo horjeestaan aragtideyda ku aadan in aaney suura gal aheyn in xiligan xiriirku qabto tar tanka kubada cagta ee gobolada dalka, xoghayah guud ee xiriirka md. cabdi qani saciid carab oo dhamaadkii bihii hore la weydiiyay waxa ay sanadkii hore 2007 u qaban tar tamada kala duwan ee xiriirka ayaa ku jawaabay in ay nabad gelyo xumi ka hor istaagtay qabashada tar tamadaas.Bahweynta isboortiga jecel ee weli maskaxdooda ka sii guuxayo tar tankii xiisaha badnaa ee horyaalka 24 -aad ee gabdhaha iyo wiilasha kubada koleyga ee muqdisho ka dhaca 17 kii sano , lana soo gaba gabeeyay 29 kii janaayo 2008, ayaa hadalka xoghayaha xiriirka si weyn u diidan, iyadoo ciyaarihii ugu dambeeyay tar tankaas ee semi finalka iyo finalka la dareemay in garoonka ex lugilo u baahan yahay in dib loo balaariyo kadib markii taageerayaal aad u fara badan ay u suura gali weyday in ay ciyaarahaa daawadaan garoonka oo buux dhaafay awgiis., bal hadaba is weydii nabada xiriirka kubada koleyga u saamaxday qabashada tar tankaas isla markaana u diidan xiriirka kubada cagta in wax tar tan ah qabto. Tar tankii 17 -aad ee ciyaaraha gobolada oo ah midka kaliya ee ay GOS qabatay 17 kii sano ee la soo dhaafay kana dhacay magaalada garowe 24 kii maarso ilaa 5 -tii abriil 2000, ayna ka qeyb galeen 8 gobol oo kala SANAAG, SOOL, BARI, NUGAAL, MUDUG, GAL GADUUD< HIIRAAN iyo SHABEELADA DHEXE waxaa ay gos ku bixisay lacag dhan 40 kun oo dolar oo ay sii dheer tahay taageeradii lacageed ee uu bixiyay col. cabdulaahi yuusuf oo xiligaa ahaa madax weynaha maamul goboleedka PUNLAND. Xiriirka kubada cagta ayaa 4 - tii bishan feberaayo u kala diray 6 xubnood oo isugu jira xubno xiriir iyo garsoorayaal 3 -da gobol BAY, SHABEELADA HOOSE IYO SHABEELADA DHEXE oo ka mid ah afarta gobol ee xiriirku u qorsheeyay in ay marti geliyaan wareega hore si ay u soo eegaan xaalada garoomada 3 -da gobal hase yeeshee xubnahaasi fara marnaan iyo waji gabax ayey la soo laabteen kadib markii madaxda xiriirada iyo maamulada gobaladaas ay dalbadeen in la siiyo lacagtii tar tanka lagu wadi lahaa iyadoo gobolada qaarkood ay soo jeediyeen in la siiyo lacag gaareysa 20 kun oo dolar iyagoo ku xisaabtamaya dhaqaalaha ay FIFA siiso xiriirka.Dhacdadaan kadib xubnaha xiriirka oo uu ka maqan yahay abaan duulahooda ( xoghaya xiriirka ) ayaa fooda isla galay , shirar joogto ah oo aan miro dhal laheyn ayey ka bixi waayeen , iyadoo qaar ka tirsan xubnaha xiriirka ay soo jeediyeen in aan af oo kaliya wax lagu wadi loona baahan yahay dhaqaalihii tar tanka lagu socod siin lahaa la helo, welise xaaladu dhana uma dhicin. Waxay ila tahay in ay haboon tahay in xiriirka kubada cagta uu dib u gurasho sameeyo kana qeyb qaato qorshaha gos ee ku aadan in bisha august 2008 la qabto tar tanka 18 -aad ee gobolada dalka kaas oo ka kooban KUBADA CAGTA, KUBADA KOLEYGA IYO CIYAARAHA FUDUD, maadaama aysan weli dhicin in uu hal xiriir yiraahdo waxaan qabanayaa tar tanka gobolada, teeda waa in xiriirku dib u eegaa qodobadaan soo socda. Habka loo qorsheeyay marti gelinta wareega koowaad.waa khalad aad u weyn in gobolka jubada hoose oo ah midka ugu guuleysiga badan koobka kubada cagta ee gobolada in la hoos geeyo gobolka shabeelada hoose., waxaa kaloo la yaab leh in magaalo madaxda gobolka shabeelada hoose ee marka oo aan garoon laheyn kadib markii dhulkii garoonkii isu bedlay degaan la yiraahdo waxaa lagu qabanayaa tar tan. In la yiraahdo gobolka banaadir kama qeyb galayo is reeb reebka koowaad.oo waxaa sagaal looga dhigayaa sideeda gobol ee soo baxda.Waxaa kaloo la yaab leh halka laga keenayo ciyaartoyda gobolka banaadir mataleysa sabatoo ah mudo aad fog lamaba tar tanka degmooyinka oo laga soo xuli lahaa ciyaartoyda gobalka, ma ciyaartoy nin jecleysi qaab beeleed lagu soo uruuriyay baa loo huwinayaa shaarka gobolka banaadir. Culeyska aanu qaadi karin in uu isi saaro xiriirka kubada cagta waxaa kaga habooneyd in uu abaabulo ugu yaraan tar tantanka kooxaha heerka 3- aad serie C , isla markaana iska quuro lacagtii loogu macag daray horumarinta kooxaha ee la siin jiray sanadkiiba hal mar oo tar tan la qabanayo taas oo istaagtay 6 sano ka hor , waxaana 8- da kooxood ee serie C ku baxaya 4 kun oo dolar maadaama kooxdiiba la siin jiray 500 dolor oo kaliya, xiligaan kooxuhu aad bey u haraadsan yihiin waxaana lacag ay helaan ugu danbeysay 16 -kii may 2006 waqtigaas oo ay lacag u dhaxeysa 2500 - 3000 dolar ay codkooda ku iibsadeen doorashadii xiriirka kubada cagta ee ka dhacday magaalada baydhabo,waxaanse gaba gabadii leeyahayQorshaha xiriirka kubada cagta ee ku aadan tar tanka 18 -aad ee kubada cagta gobolada dalka mid laab lakac ah oo u muuqda waan socon weynaye aan orodno. yuusuf xuseenyuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiintaSifatu salaahka baro sifada salaada loo tukado tafsiirka halkan haii illaahay yidhaahdo. |