Ciyaaraha |
Kulan sadax Geesood Isboorti ah oo maanta ka dhacay Hotel Naasa Hablood ee magaalada MuqdishoKulan sadax Geesood ah oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socotay wasaarada Warfaafinta iyo Isboortiga Dowlada Federaalka Soomaaliya, Gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Xiriirada Hoos taga iyo wafdi uu hagaaminaayay Wasiirka Shaqada dhalinyarada iyo Isboortiga dowlad goboleedka Puntland Cabdi Nuur Cilmi iyo wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda KMG ah.Shirkaan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sare u qaadida Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay Aadan xaaji yabarow Wiish Gudoomiye ku xigeenka GOS ahna Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow ( Wiish) , isagoo halkaasi ka sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu la joogo hada Wasiirka Isboortiga Puntland iyo wafdi uu horkacayo. Waxaan ka wadhadlaynay sidii sare loogu qaadi lahaa Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana isla garanay in Isboortiga minTuulo ilaa Gobol inaan sare u qaadno ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka GOS ahna Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow ( Wiish) Wiish waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin hadii ay yihiin Maamulka GOS inay wax la qabtaan dhamaan gobolada Dalka Soomaaliya, Waxaan diyaar u nahay inaan Gobolada ka kaalmeyno dhinac kasta, hadii ay ahaan lahayd xaga qalabka, Tababarka iyo garoomada intaba ayuu yiri Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow ( Wiish) oo sheegay inay ku dadaalayaan kobcinta Isboortiga Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiirka Wasiirka Shaqada dhalinyarada iyo Isboortiga dowlad goboleedka Puntland Cabdi Nuur Cilmi oo sheegay inay manta wixii ka dambeeya uu heshiis iyo wada shaqayn dhaxmaray GOS iyo wasaarada Isboortiga Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay inay bilaabatay wadashaqeyntii loo baahnaa inay yeshaan GOS iyo Wasaaradiisa. Maalnta Berito ah waxaa ka furmaya G/kacyo oo ah maamulka Puntland deegaan hoos taga tabar Isboorti oo uu soo qaban qaabiyay Xiriirka soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayuu yiri Wasiirka Shaqada dhalinyarada iyo Isboortiga dowlad goboleedka Puntland Cabdi Nuur Cilmi oo sheegay in tababarkaasi uu marqaati u yahay xiriirka wadashaqeyn ee ay wada yeesheen GOS iyo Wasaarada Isboortiga Puntland. Kulankaan ayaa ahaa mid Qado ah oo ay GOs ku marti qaaday wasaarada Isboortiga Puntland, waxaana goobjoog ka ahaa sidoo kale Wasaarada Dhalinyarada Isbootiga Dowladda KMG ah oo ka joogay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) iyo wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo iyana uu ka joogay Xuseen Xaashi Xasan oo ah Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, sidoo kale waxaa joogay mas’uulyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Saciid Jaamac Qorsheel oo isna ka socday Gudiga Maamul u sameynta Gobolka Banaadir. Kulankaasi ayaa lagu soo afjaray jawi wanaagsan, waxaana gabagbadii halkaasi ka dhacaday inay Mas’uulyiinta labada dhinac is gacan qaadaan, isna marxabeeyaan, iyadoo wada galay Sawiro wadajir ah, halkaasna ka balan qaaday inay wadashaqayn doonaan oo ay ku dadaalayaan kor u qaadida Isboortiga Soomaaliyeed. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() yuusuf x.x.yusrifuudayuusuf504@hotmail.comInfo@goolka.comGoolka Muqdisho,Somaliyaback |
User LoginWararkaXayeysiinta |